2022 FIFA World Cup

Fabinho oo ku biiray koox ka dhisan Saudi Arabia

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Liverpool Fabinho ayaa ku biiray kooxda heysata horyaalka Sacuudiga ee Al-Ittihad, isagoo u saxiixay heshiis seddex sanno ah.

Kooxda Al-Ittihad ayaa barteeda Twitterka, ku xaqiijisay in Fabinho oo ah 29-jir uu u saxiixay kooxda heshiis dhacaya sanadka 2026, isgoo kooxda kula biiray xiddigaha Faransiiska Karim Benzema iyo N’Golo Kante iyo xiddiga reer Portugal ee Jota.

Maanta waxaan ka tagayaa gurigeyga waxaan halkaasi joogay muddo shan sano ah oo aan xirnaa maaliyada kooxda Liverpool, waxaana had iyo jeer ku jiraa sharafta iyo farxadda ugu weyn ee suurtogalka ah, tan iyo maalintii ugu horreysay ee Liverpool, qof walba ayaa i soo dhaweeyay.

Waan jeclahay kooxdaan, waad ku mahadsan tihiin wax walba oo aan si wadajir ah u soo aragnay iyo hal ku dhiga kooxda ee ah, “waligaa ma socon doontid kaligaa,” Fabinho ayaa fariintaas ku macsalaameyay kooxdiisa hore ee Liverpool.

Fabinho ayaa Liverpool kula guulaystay koobabka UEFA Champions League, Premier League-ga Ingiriiska, FIFA Club World Cup iyo koobka FA Cup-ka Ingiriiska xilli ciyaareedkii 2018-2023.

Ka hor inta uusan ku biirin Liverpool, wuxuu kula soo guuleystay horyaalka Faransiiska kooxda Manoco sanadkii 2017-kii.

Xiddiga reer Brazil ayaa u dhaliyay Liverpool 11 gool 219 kulan oo uu u saftay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button