2022 FIFA World Cup

Kooxda PSG oo dooneysa inay dacwad ka dhan ah Real Madrid u gudbiso FIFA.

Paris Saint-Germain ayaa qorsheyneysa inay dacwad ka dhan ah Real Madrid u gudbiso FIFA.

Paris waxay ku qanacsan tahay in Mbappe uu heshiis kula jiro Real Madrid inuu u wareego 2024. Sharci ahaan, waa mamnuuc inaad la hadasho koox kale adiga oo aan ogolaansho ka helin kooxdaada aad u ciyaareyso.

PSG ayaa aaminsan in Mbappe uu heshiis cad la gaaray Real Madrid, gaar ahaan markii uu laacibku diiday inuu la kulmo wakiillada Al-Hilal, sidaas waxaa qortay The Telegraph PSG ayaa ka fiirsaneysa inay dacwadaas u gudbiso FIFA. Haddii ay haystaan sabab ay sidaas ku sameeyaan, ama haddii ay ujeedadu tahay inay cadaadis saaraan Mbappe iyo Los Blancos si ay ula fadhiistaan miiska wadahadalka maadaama PSG ay dooneyso iney hesho wax u dhigmo lacaga ay ku soo iibsadeen Mbappe.

 FIFA ayaa hore u soo rogtay ganaaxyo suuqa kala iibsiga ah oo ay ku ciqaabi doonaan dhaqan xumada noocaan ah haddii ay cadaato in koox ay hishiis la gaarto ciyaaryahan aan fasax ka haysan kooxdiisa waana sababta ay haatan kooxda PSG ay u dooneyso iney dacwadan ka gudbiso kooxda Real Madriid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button