2022 FIFA World Cup

Youssoufa Moukoko’ oo joojiyay inuu caawiyo waalidkiisa maxay tahay sababta?

December 18, 2020, Youssoufa Moukoko wuxuu noqday gooldhaliyaha ugu da’da yar taariikhda Bundesliga isagoo jiro 16 sano iyo 28 maalmood ayuu ka hortagay kooxda Union Berlin.

 Hadda waa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Dortmund, isagoo asal ahaan u dhashay Cameroon, weeraryahanka ayaa dhibaato kala kulmaya xaalad dhaqaalo oo soo wajahday waalidkiis.

Warbaahinta Jarmalka ee Bild ayaa si gaar ah u daaha ugu qaaday warkan, iyadoo ku dhawaaqday in waalidiinta Youssoufa Moukoko inay ka baxeen gurigooda quruxda badan oo ay u guuraan xero qaxooti uu ku taal dalka Jarmalka kaddib markii ay awoodi waayeen iney iska bixiyaan lacago deymo ah oo lagu yeeshay.

Weeraryahanka da’da yar ee Dortmund ayaa waalidkii siiyay guri cabirkiisu yahay 351m2 oo ku yaal dhul dhan 1296m2 Magaalada Hamburg, kaasoo qiimihiisa lagu qiyaasay 1.2 milyan euro.

Taasoo ciyaaryahanku uu yar yareyn jiray maadaama uusan hal mar wada bixin karin lacagta uu ku iibsanayo guriga, balse xaaladdu waxa ay sii adkaatay markii uu Youssoufa Moukoko qaan gaaray.

Waa ay isku dheceen isaga iyo Aabihiis, waxaana ciyaaryahanka BVB go’aansaday inuu xiriirka u jaro qoyskiisa gaar aah Aabihiis Joseph oo (72 sano jir ah) iyo Hooyadiis Marie oo (35 sano jir ah).

Markii uu 18-sano jirsaday waxa uu awood u yeeshay inuu maareeyo qandaraasyadiisa uu galayo, waxaana uu gaar ka noqday qoyskiisa, maadaama uu ka baxay caruurnimadii, intaasi kaddib waalidkiis ayaa la kulmay xaalad adag, waxayna galeen deymo faro badan.

Moukoko waalidkiis ayaa lagu yeeshay lacag dhan 514,981 euro, markii ay bixin waayeen la go’aansaday in la xaraasho gurigii ay deganaayeen, iyadoo lagu iibiyey 570,000 oo Euro, taasi waxa ay ku filnaatay in lacagtaas laga jaro deymihii lagu lahaa, Sida laga soo xigtay Bild, waalidiinta Youssoufa Moukoko ayaa laga codsaday inay ka baxaan guriga dhammaadka bishii July 2023. ​

BILD  ayaa hooyadiis ka soo xigatay “Golaha deegaanku wuxuu noo heleen hoy wanaagsan aniguna waan shaqeeyaa hal wiil ma lihi, waxaan leeyahay lix wiil.

Aabaha dhalay Moukoko Yuusuf ayaa yiri wiilkeennu mar dambe nama taageeri doono laakiin ma waxaad u malaynaysaan inaan xumaantiisa  ka hadli doono maya taas ma dhici doonto

Waqti xaadirkan Youssoufa Moukoko ayaa qaata in ka badan 5 milyan euro xilli ciyaareedkii, wuxuuna isku diyaarinaya xilli ciyaareedka soo socda ee Borussia Dortmund.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button