2022 FIFA World CupUncategorized

10-ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Afrika 2023

Sanadkan 2023 ciyaartoyda ka soo jeeddo qaaradda Afrika ayaa noqoday kuwo aad qaali u ah oo raad lama ilaawaan ah ku reebay kubbadda cagta caalamka.

Iyadoo qaaradda Afrika ay sii waddo soo saarista ciyaartoy aan caadi ahayn, isbeddel soo jiidasho leh waxaa soo baxay kor u kaca ciyaartoyda kubbadda cagta Afrika ee ugu mushaarka badan.

Qormadan waxaynu ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ka soo jeeddo Afrika ee ugu mushaarka badan socdaalkii cajiibka ahaa ee ay soo mareen ciyaartoydan hibada u leh, kubbadda cagta laga soo bilaabo, safarkoodii Afrika.

Waxaxaa ugu horreeyo.

1. Riyad Mahrez

Dhawaan ayay ahayd markii Riyad Mahrez uu soo gaba gabeeyay waqtigiisa Manchester City, wuxuuna ku biiray kooxda Saudi Arabia ee Al Ahli isagoo kaga soo dhaqaaqay 30 milyan oo gini kooxda City.

Hadda waxa uu ku raaxaysan doonaa mushahar la yaab leh todobaadkiiba £750,000 inta lagu guda jiro qandaraaskiisa labada sano ah ee Al Ahli

Waayihiisa cajiibka ah ee Etihad Stadium, ciyaartahanka reer Algerian ayaa u saftay kooxdiisa hore ee City 200 oo kulan shan xilli ciyaareed, isagoo ku guuleystay afar horyaal oo Premier League ah intii uu joogay City.

2. Sadio Mane – £650,000

Sadio Mane shaki la’aan waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Afrika waqtigan.

Sanadkii hore ayuu Bayern Munich kaga soo biiray Liverpool lacag dhan £35m, Mane ayaa Reds u dhaliyay 120 gool 269 kulan oo uu u saftay.

Sadio Mane ayaa shalay dhameystiray u wareegida kooxda Al Nassr wuxuuna  mushahar ahaan u heli doonaa toddobaadkii £650,000.

Mane ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Southampton iyo Red bull Salzburg.

3. Kalidou Koulibaly – £500,000

Senegalese-ka ayaa Chelsea kaga soo biiray Napoli xagaagii 2022, xiligaasi waxay Chalsea ku soo iibsatay lacag dhan 41.8 milyan gini.

Waxa uu u saxiixay heshiis afar sano ah oo ku kacaya 61.36 milyan ginni garoonka Stamford Bridge

31-jirkan ayaa Napoli ku soo biiray 2014-kii wuxuuna kaga soo biiray kooxda Genk.

Daafaca dhexe ayaa u ahaa Napoli 8-dii sano ee uu joogay iyo xilli loo aqoonsaday mid ka mid ah daafacyada ugu fiican Adduunka.

Kalidou Koulibaly ayaa ka tagay Chelsea labo iyo toban bilood uun kaddib waxaan uu ku biiray kooxda Saudi Pro League ee Al-Hilal waxayna ku iibsadeen 20 milyan ginni waxa uu heli doonaa toddobaadkii £500,000.

4-Mohamed Salah – £350,000

Weeraryahanka Liverpool iyo xulka Masar oo ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Adduunka waqtiyadii ugu dambeeyay, kaddib xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Liverpool waxa  uu u dhaliyay 43 gool waxaa loo kordhiyay mushaarkiisa, qandaraaskiisa hore wuxuu ahaa £ 200,000 todobaadkii.

Qandaraaska uu dhawaan ku sii joogay Anfield ayaa ka dhigay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda, hadda waxa uu qaataa £350,000 todobaadkii, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan Premier League.

5.Thomas Partey – £200,000

Maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga xagaagii 2020, Arsenal waxay la soo  wareegtay Thomas Partey oo katagay Atletico Madrid Arsenal ayaa bixisay 45 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa xilligaasi.

Hishiiska Partey ee Emirates wuxuu ahaa afar sano iyo  sanad dheeri ah uu ku darsan karo.

Waxaa xusid mudan in uu todobaadkii uu jeebka ku shubto 200,000 oo Gini, waana tiro afar jeer ka badan Mushaarkii uu horey uga qaadan jiray kooxda Atletico Madrid.

6. Edouard Mendy – £200,000

Edouard Mendy, Goolhayaha u dhashay Senegal, ayaa magac ku yeeshay waqtigiisii kooxda Rennais ee Ligue 1 dalka Faransiiska, ka hor inta uusan ku biirin Chelsea Sebtember 2020.

Bandhigiisa gaarka ah ayaa ka caawiyay adkeynta difaaca Chelsea, isagoo kooxda ku hogaamiyay qaab ciyaareed cajiib ah, ku guuleysiga UEFA Champions League xilli ciyaareedkii 2020-2021.

Kooxda Al-Ahli, oo ka dhisan Sacuudi Carabiya, ayaa dhawaan xaqiijisay saxiixa Edouard Mendy, oo ah 31-jir goolhayaha Senegal, Mendy ayaa heshiis qaali ah oo saddex sano ah ku saxiixay Jeddah, iyadoo Al-Ahli lagu soo waramayo inuu Chelsea ay kaga iibsatay lacag ku dhow 16 milyan ginni waxaana uu jeebaka ku shuban doonaa toddobaadkii £200,000.

7. Sébastien Haller – £180,000

Sanadkii 2022, Sebastien Haller ayaa u dhaqaaqay Borussia Dortmund heshiis afar sano ah kaddib xilli ciyaareed cajiib ah oo 34-gool u dhaliyay kooxda reer Holland ee Ajax.

Ka tagista kooxda heysata horyaalka holand kaddib muddo kooban oo 18 bilood ah, weeraryahanka ayaa qarka u saaran inuu safka hore ka galo weerarka Dortmund, isagoo buuxinaya booskii Erling Haaland wauxuuna heli doonaa toddobaadkii £200,000.

8. Achraf Hakimi – £160,000

Laacibka reer Morocco ayaa PSG kaga soo biiray Inter, kaddib xilli ciyaareed heer sare ah oo uu la qaatay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

PSG waxay ku iibsadeen lacag dhan €70 million milyan oo yuuro, wuxuu todobaadkii qaataa lacag dhan £160,000, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah daafacyada ugu mushaharka badan Adduunka.

9. Pierre-Emrick Aubameyang – £150,00

Aubameyang wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda kubbadda cagta ugu mushaarka badan Premier League intii uu joogay Arsenal (wuxuu qaadan jiray £350,000 toddobaadkii) waxaana Arsenal ay joojisay qandaraaskiisa sababo la xiriira khilaafaad soo kala dhexgalay isaga iyo Arsenal

Wuxuu ku biiray kooxda FC Barcelona kaddib Chelsea ayaa ku soo iibsatay lacag dhan 13.2 milyan ginni, waxaana uu u saxiixay heshiis labo sano ah.

Aubameyang ayaa Chelsea ka qaadan jiray 150,000 oo Gini todobaadkii waxana uu hoos u dhac weyn ku samayn doonaa mushaharkiisa kaddib ku biirista kooxda Marseille.

 10. Franck Yannick Kessié – £150,000

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Barcelona waxa uu wacdaro ka dhigay hanashada horyaalka Serie A ee AC Milan xilli ciyaareedkii 2021/22, isagoo u saftay 31 kulan iyadoo Rossoneri ay ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Inter horyaalka Serie A 2021/22 .

Wuxuu ka tagay Milan dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2021/22 kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa. Waxa uu ku biiray kooxda Laliga, Barcelona, isagoo u saxiixay qandaraas afar sano ah uu toddobaadkii ku qaadan doono £150,000.

Astaansports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button