2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBayern MunichPremier LeagueWararka

RASMI: Sadio Mane oo Cristiano Ronaldo kula biiray kooxda Al-Nassr

Kooxda kubbadda cagta Al-Nassr ayaa xaqiijisay inay Sadio Mane kula soo saxiixatay 34 milyan oo gini, taasoo soo afjartay waayihiisii naadiga Bayern Munich.

Xiddiga xulka qaranka Senegal ayaa Cristiano Ronaldo kula biiray horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League, iyadoo kooxda Al-Nassr ay horay safkeeda ku soo dartay xagaagan, Seko Fofana, Marcelo Brozovic iyo Alex Telles.

Weeraryahan Mane oo 31 sano jir ah ayaa kooxda Bayern Munich ugu soo biiray sanadkii hore kaliya 35 milyan oo gini, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu la qabsado dalka Jarmalka, isagoo kooxda Bayern u dhaliyey kaliya 12 gool, waxaana xusid mudan in xitaa ay isku dhaceen saaxiibkiis Leroy Sane.

Mane ayaa haatan noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee tayo sare leh oo ka soo taga shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ee u wareega dalka Sucuudiga, iyadoo uu 31-sano jirkaan todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doono 650,000 oo gini.

Mané ayaa ka garab ciyaari doona Cristiano Ronaldo, Seko Fofana, Marcelo Brozovic iyo Alex Telles oo dhowaangal ku ah kooxda Al-Nassr.

Waxaa Mané lagu soo dhoweeyey lambarka 10-aad ee kooxda Al-Nassr.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button