2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMAN UNITEDPremier LeagueWararka

Rasmus Højlund oo tijaabada caafimaad u maray Man United

Weeraryahanka kooxda Atalanta ee Rasmus Højlund ayaa maanta ka gudbay tijaabada caafimaad ee uu u maray Naadiga Manchester United.

Rasmus Højlund waxa kale oo la warinayaa inuu duubay wareysigiisii ugu horreeyey isagoo ah ciyaaryahan ka tirsan kooxda Manchester United kaddib markii uu gaaray xerada tababarka kooxda ee Carrington.

Saacadaha yar ee soo aaddan ayaa la filayaa in Manchester United ay shaacin doonto saxiixa Weeraryahan Rasmus Højlund, iyadoo kooxda reer England ay haatan diyaarinayso qaabkii ay u soo bandhigi lahayd.

Weeraryahanka kooxda Atalanta ayaa qalinka ugu duugi doona Manchester United qandaraas shan sanadood ah oo uu qiyaar u haysto in lagu kordhiyo sanad kale oo lixaad.

Højlund waxa uu noqon doonaa saxiixii saddexaad ee Man United ay soo qaadato suuqan kaddib Mount iyo Onana, iyadoo la warinayo inay United kula soo wareegtay weeraryahankan adduun dhan 85 milyan oo euro.

Waxa uu haatan Højlund isku diyaarinayaa in si rasmi ah loo shaaciyo saxiixiisa isla markaana uu la midoobo saaxiibadiisa cusub ee Man United, kaddib markii uu iska diiday dalab uu ka helay PSG, isla markaana doortay inuu la shaqeeyo Tababare Erik Ten Hag.

Astaan Sports.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button