2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaPremier League

Christopher Nkunku oo ka dhaawacmay kooxda Chelsea ka hor kulanka Liverpool

Macallinka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa ka warbixiyey xaaladda dhaawac ee ciyaaryahankiisa Christopher Nkunku, ka hor kulanka ay la leeyihiin Liverpool.

Weeraryahanka Chelsea ee Christopher Nkunku ayaa shaki laga gelinayaa inuu taam u noqon doono kulankooda furitaanka horyaalka Premier League oo ay la leeyihiin naadiga Liverpool kaddib markii uu dhaawac jilibka ahi ka soo gaaray kulankii saaxiibtinnimo ee ugu dambeeyey The Blues.

Nkunku oo ay 52 milyan oo euro kula soo wareegtay kooxda Chelsea bilowgii xagaaga ayaa dhaawac u muuqday mid jilibka ah uga baxay kulankii isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo ay barbaraha 1-1 ah la galeen Borussia Dortmund.

Kooxda Chelsea ayaa xilli ciyaareedkooda cusub ku bilaabanaya kulan ay la qaadanayso Liverpool todobaadka dambe, waxaana jirta cabsi laga qabo in Nkunku uu dhaawac ku seegi doono.

Macallinka kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino oo ka hadlay dhaawaca Nkunku ayaa yiri: “Dhakhaatiirta ayaa baaritaan ku sameynaya isaga, waxaana rajeynayaa inaysan ahaan doonin arrin weyn, laakiin waxa uu wax ka dareemay jilibka, waxaana filayaa inaysan arrin weyn ahayn oo uu si deg deg uga soo kaban doono.”

Nkunku ayaa la filayay inuu hoggaamiyo weerarka kooxda Chelsea kulanka todobaadkan ee horyaalka Premier League oo ay la leeyihiin Liverpool, iyadoo Blues ay doonayso inay guul ku bilaabato.

Dhaawaca soo gaaray dhaliyaha Chelsea ayaa haatan shaki galinaya taam ahaanshaha Nkunku ee kulanka Liverpool.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button