Nasra Abuukar Cali oo ka hadashay tartankii Jaamacadaha ee ku matashay Soomaaliya
Gabadhii ku matashay Soomaaliya tartanka oradka Jaamacadaha Adduunka ee lagu qabtay dalka China Nasra Abuukar Cali oo ku dhamaystay kaalinta ugu dambaysa ee tartanka ayaa iska difaacday eedeemo ay u soo jeediyeen Bulshada Soomaaliyeed ee isticmaalo Baraha Bulshada.
Nasra Abuukar Cali ayaa sheegtay iney rajeneyso iney ka qaybgasho tartamo kale si ay u matasho dalkeeda Soomaaliya, waxayna intaa ay kudartay in tababar muddo bil ah horey u sameysay laguna soo xulay si waafaqsan cadaalada, iyadoo ku mataleysay tartankan dhammaan Jaamacadaha ku yaalo Soomaaliya waxayna horey ugu qalin jabisay Jaamacadda Jobkey ee magaalada Muqdisho.
dhanka kale waxey difaacday Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo shaqada laga joojiyay, iyadoo sheegtay in aysan wax door ah ku lahayn xulisteeda.
Sidoo kale waxay beenisay hadal ka soo yeeray Wasiirka Ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud, oo sheegay inuusan ka warqabin ka qaybgalka tartanka iyada oo sheegtay in uu wax ka ogaa xulisteeda.