SAWIRRO: Jamaica oo u soo baxday warreegga 16-ka koobka Adduunka haweenka FIFA.
Xulka Jamaica ayaa sameeyay taariikh kaddib markii ay u soo baxeen wareega 16-ka ee koobka Adduunka haweenka ee FIFA, markii ugu horraysay abid, wax gool ah lagama dhalin ciyaarihii Group-ay soo ciyaareen iyadoo guruubka ay ku jiraan kooxaha waaweyn ee France iyo Brazil.
Xulka Jamaica ayaa la ciyaari doonto xulkii soo baxaa Morroco iyo Colombia oo hadda ay socoto ciyaartooda.
Jamaica ayaa xaqiijisatay booskeeda wareega 16ka kaddib markii ay barbaro 0-0 ah la gashay gabdhaha xulka ku guuleystay Copa America ee Brazil.
Waxa ay noqon doontaa markii ugu horeysay ee xulka Brazil aysan ciyaari doonin wareega 16-ka tan iyo koobkii Adduunka 1995-kii.
Brazil ayaa u baahneyd saddexda dhibcood si ay ugu soo baxdo, halka Jamaica ay u baahneyd kaliya barbaro, iyadoo France oo ah hogaamiyaasha group-ka ay xaqiijisteen kaalinta koowaad markii ay 6-3 kaga badiyeen Panama.
Jamaica waxay la ciyaari doontaa warreegga 16-ka, midkood xulalka kala ah Colombia, Germany, ama Morocco.
Xulka Jamaica ayaa markii ugu horreysay u soo baxeen wareegga 16-ka ee koobka Adduunka Haweenka ee FIFA, iyagoo aan laga dhalin wax gool ah ciyaarihii Group-ka ay soo ciyaareen iyadoo Guruubka ay ku jiraan kooxaha waaweyn ee France iyo Brazil.
Astaansports