2022 FIFA World Cup

Netherland oo iska xaadirisay wareegga 8-dhamaadka koobka Adduunka Haweenka 2023.

Gabdhaha South Africa ayaa ku laabanayo gurigooda laakiin waxa hubaal ah in ay wacdaro ka dhigeen koobka adduunka Haweenka 2023.

Ciyaartoydooda ayaa ciyaarta ka hor iyo kaddib ku farxay qoob ka ciyaarka iyo heesaha  taageerayaasha xulka South Africa , halka ay garoonka ku jireen xiddigahooda xamaasadda leh ee weerarka kuwaasi muujiyay bandhig aad u heer sareeyo ciyaarihii ay soo ciyaareen.

Ciyaartoyda  Gabdhaha Koonfur Afrika ayaa midkiiba FIFA ka heli doona lacag dhan $50,000, kaddib markii ay soo gaareen wareegga 16-ka, balse ma jirto wax ka yimid xiriirka kubadda cagta Koonfur Afrika ee (SAFA).

Xullka South Africa ayaa markii ugu horreysay soo gaaray wareega 16-ka koobka Adduunka Haweenka 2023, kaddib markii ay guul soo daahday ay ka gaareen xulka Italy ciyaartii ugu dambeysay ee heerka guruubka.

Kulankii xalay ee South Africa ay la ciyaareen  Netherlands, waxaa  dhaawacyo ka soo gaaray ciyaartoyda kala  ah Jermaine Seoposenwe iyo Bambanani Mbane ka hor qeybta nasashada.

Gabadha lagu magacaabo Kgatlana oo wacdaro ka dhigtay koobka Adduunka Haweenka, oo horey ugu dhalisay xulkeeda South Africa, laba gool sidoo kalena  caawisay laba gool oo kale, ayaa markale halis ku noqotay xulka Holland ciyaartii xalay.

Gabadhan oo 27-sano jir  ayaa sameysay shan ka mid ah todobadii iskuday ee Koonfur Afrika, ay sameeyeen ciyaartii xalay balse waxaa ka badbaaisay gabadha goosha u ilaaliso xulka Netherlands ee Van Domselaar.

Gabdhaha xulka Holand ayaa 2-0 ku garaacay Koonfur Afrika  waxaana labada gool u kala dhaliyay Jill Roord daqiiqadii 9-aad  iyo gabadha lagu magacaabo Lineth Beerensteyn daqiiqadii 68-aad ee cayaarta

Koonfur Afrika ayaa dooneysa inay martigeliso Koobka Adduunka ee Haweenka ee soo socda sanadka 2027.

Dhab ahaantii waxay madadaaliyeen dadkii u soo daabasho tagay koobka Adduunka Haweenka 2023 waana la tabi doonaa Gabdhaha Koofur Afrika.

Holland ayaa haatan wajihi doonta Spain 10-ka Agoosto, waana wareega 8-da.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button