2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Xulka haweenka ee New Zealand oo dhigay rikoor aan loo baahnayn

Xulka kubadda cagta Haweenka ee New Zealand ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee iyagoo marti-gelinaya ku hara heerka guruubyada koobka adduunka ee haweenka 2023.

Waddanka New Zealand ayaa dhigay rikoor aan loo baahneyn kaddib markii uu noqotay dalkii ugu horreeyay ee marti galinaya koobka adduunka dumarka ee lagu soo reebay heerka Guruubyada koobka adduunka haweenka, kaddib markii ay barbaro goolal la’aan ah la galeen xulka dumarka ee Switzerland.

Iyadoo gabdhaha Norway ay 6-0 ku xasuuqeen Philippines ciyaartii kale ee Group A, Xulka New Zealand ayaa u baahday inay garaacaan dhiggooda Swiss-ka si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda wareegga 16-ka koobka Adduunka haweenka, laakiin ma aysan awoodin inay adkaadaan.

Dadweyne aad u faraxsan oo ku sugnaa garoonka Dunedin ee dalka New Zealand ayaa dadaal ugu jirtay sidii uu xulkoodu u soo gudbi lahaa, balse dalkoodu waxa uu ku guuldarreystay inay abuuraan fursado badan oo dhanka goolka ah.

Natiijadaas 0-0 ah oo ay galeen labada xul ayaa la macno ah in xulka gabadhaha Switzerland ay ku soo baxaan kaalinta koowaad ee guruubkooda, halka xulka Norway ay ku soo gudbeen kaalinta labaad, iyadoo farqiga goolasha kaga soo baxday xulka New Zealand oo ku haray guruubka.

Xulka martida loo ahaa ee New Zealand ayaa qaab wacan ku billowday koobka Adduunka sanadkan, iyagoo kulankoodii furitaanka 1-0 uga adkaaday Norway, laakiin kulankoodii xigay waxa ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Philippines, kaddibna waxa ay kulankoodii saddexaad ee guruubka awoodi waayeen inay garaacaan gabdhaha Switzerland oo ay goolal la’aan ku kala tageen.

Kaddib markii xulka marti-gelinaya koobka Adduunka haweenka 2023 ay ku guuldarreysteen inay guruubka ka soo baxaan, ciyaartoyda xulka New Zealand ayaa ku soo uruuray gudaha garoonka, waxaana iyadoo ilmaynaysa la hadashay kabtan Ali Riley oo asaxaabteeda qalbiga u dajisay.

Sidaas ayuuna dalka New Zealand ku noqday waddankii ugu horreeyay ee isagoo marti-gelinaya koobka adduunka ee haweenka haddana ku hara heerka guruubyada.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button