2022 FIFA World CupPremier League

10-ka saxiix ee ugu qaalisan suuqa xagaagan oo lagu dhawaaqay

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxo badan suuqa galiyeen lacago badan iyagoo la soo saxiixday  xiddigaha ay doonayeen.

Markii ugu horreysay Arsenal ayaa lacago badan ku bixisay suuqa xagaaga Declan Rice sidoo kale kooxda  Real Madriid ayaa dhankooda lacago badan ku bixiyay saxiixa Bellingham.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa saxiixyada ugu qaalisanaa ee la sameeyay suuqa kala iibsiga xagaagan.

1) Declan Rice ayaa katagay West Ham waxuuna ku biiray Arsenal lacag dhan – £100m oo lagudaray 5 millayn oo guno ah.

Arsenal ayaa heshay saxiixooda 1-aad kaddib markii ay Man City ku garaaceen Declan Rice ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa abid ee Arsenal soo iibsato

2) Jude Bellingham ayaa katagay (Borussia Dortmund) waxuuna ku biiray (Real Madrid) lacag dhan – £88m  oo lagudaray 25.6 guno ah.

Jude Bellingham Real Madrid kaga biiray kooxda Germany (Dortmund) xilli uu iska diiday inuu u dhaqaaqo kooxo ka dhisan horyaalada ugu waaweyn yurub.

3) Josko Gvardiol ayaa katagay (RB Leipzig) waxuuna ku biiray (Manchester City) – £77m

Guardiola oo u dhashay xulka Croatia ayaa noqday  daafacii ugu qaalisan kooxdiisa RB Leipzig ay iska iibiso taariikhda suuqa kala iibsiga.

4) Kai Havertz ayaa katagay (Chelsea) kuna biiray (Arsenal) lacag dhan – £65m

5) Rasmus Hojlund ayaa katagay (Atalanta) kuna biiray (Manchester United) lacag dhan – £64m oo lagu daray  8 milyan oo guno ah.

6) Dominik Szoboszlai ayaa katagay (Leipzig) kuna biiray (Liverpool) lacag dhan – £60m

7) Mason Mount ayaa katagay (Chelsea) kuna biiray (Manchester United) lacag dhan – £55m oo lagudaray 5 milyan guno ah.

8) Sandro Tonali ayaa ka tagay (AC Milan) tkuan biiray (Newcastle) lacag dhan – £52m  oo lagu daray  8 milyan guno ah.

9) Christopher Nkunku ayaa katagay (RB Leipzig) kuna biiray (Chelsea) lacag dhan – £52m

10) Malcom ayaa katagay (Zenit ) kuna biiray (Al-Hilal) lacag dhan – £51.4m

Astaansports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button