2022 FIFA World CupWARARKA MAANTA

Guddoomiyihii xiriirka cayaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan oo shaqadii laga ceyriyay.

War qoraal oo ka soo baxay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo nuqul kamid ah soo gaaray Astaan Sports, ayaa lagu sheegay in xilkii si rasmi ah looga qaaday Marwo Khadiija Aadan  Daahir, oo ahayd guddoomiyihii xiriirka cayaaraha fudud ee Olombikada Soomaaliya.

Xubno ka tirsan guddiga xiriirka ciyaaraha fudud oo kulan ka yeeshay arrintan oo dhalisay buuq badan ayaa  xilkii si rasmi ah kaga qaaday Marwo khadiijo Adan Daahir guddoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fuud.

Dhawaan ayey ahayd markii shaqo ka shaqo joojin ku meel gaar lagu sameeyay Khadiijo Aaadan Daahir kaddib markii ay ku kacday ku takrifal awoodeed oo la xiriirta soo xulista gabadhii ku mateleysay tartanka ciyaaraha orodada jaamacadaha Adduunka Soomaaliya, kaddib amar ka soo baxay Wasaarada Dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa abuurtay xiisad aad u xoogan kaddib markii ay ka falceliyeen dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo u arkay sharaf dhac weyn iyo musuq xulistii Nasro Abuukar Cali oo Soomaaliya ku matashay tartankii oradka Jaamacadaha ee lagu qabtay dalka Shiinaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button