2022 FIFA World CupWARARKA MAANTA

Dhammaan xulalkii ka socday Afrika oo ka haray koobka Adduunka Haweenka 2023.

Afarta xul ee ka socday Afrika ee u soo baxay Koobka Adduunka Haweenka 2023 ayaa dhammaantood ka haray tartanka.

Saddexda xul ee kala ah Nigeria, South Africa, iyo Morocco ayaa ku haray wareegga 16-ka koobka Adduunka Haweenka 2023, halka Zambia ay ku hartay ciyaarihii guruubka.

Waa kuma xulka Afrikaanka ee gaaray heerka ugu sareeyo koobka Adduunka haweenka abid?

Xulka Nigeria ayaa ah xulka kaliya ee gaaray wareegga sideed dhammaadka Adduunka Haweenka sanadkii 1999-kii xiliigaasi 16-dal ayaa ka qaybgalay tartanka koobka adduunka haweeka,

Qaab ciyaareedkii ugu wacnaa ee abid ay soo bandhigaan koox Afrikaan ah oo ka qaybgaleyso koobka adduunka dumarka ayay Nigeria, soo bandhigeen 1999-kii, waxayna gaareen wareegga 8-da, Inkastoo guuldarro  7-1 ay kala kulmeyn martigaliyayaasha iyo ku guulaystayaashii  koobkii adduunka 1999-kii, ee USA wareega group-yada,  hase yeeshee waxay guuleysteen labadii kulan ee kale ay la kala ciyaareen Denmark iyo North Korea si ay ugu soo baxaan wareegga 8-da.

Wareegga sideed dhammaadka waxay la ciyaareen xulka Brazil, kulan aad u adag Nigeria ayaa ka soo laabatay  3-0 oo lagu marsiiyay qabtii hore ee ciyaarta.

Gabdhaha xulka , Brazil ayaa helay goolkii afaraad markii lagu daray waqtiga dheeriga ahaa si ay ugu gudbaan afar dhammaadka tartanka waxayna ciyaarta ku soo dhammaatay 4-3 oo ku adkaatay Braziil.

Laga soo bilaabo (1991 illaa 1995), la xul oo Afrikaan ah ayaa ka qayglayay koobka Adduunka Haweenka.

1999, illaa 2015-kii waxaa ka qaybgalayay saddex xul oo Afrikaan ah, iyadoo  ugu dambeyntii afar xul oo afrikaan ah ay ka soo qaybgaleen koobka Adduunka haweenka 2023 iyadoo ugu wacan tahay ballaarinta 32-xul.

Side ugu suurogashay iney ka soo qaybgalaan afatan xul ee Afrika ka socotay koobka adduunka haweenka 2023?

Afarta xul ee u soo baxday koobka adduunka haweenka sanadkan 2023, ayaa soo gaaray afar dhammaadka tartanka qaramada qaaradda Afrika ee haweenka, sanadii 2022-ka sidaasi ayey ugu suuragashay iney ka soo qaybgalaan koobka adduunka haweenka 2023.

Astaansports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button