2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMAN UNITEDPremier LeagueWararka

Harry Maguire oo ku dhow inuu ku biiro koox ka ciyaarta horyaalka England Premier League

Daafaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Maguire ayaa qarka u saaran inuu ka mid noqdo naadi ka ciyaarta horyaalka England Premier League.

Kooxaha Manchester United iyo West Ham United ayaa la soo warinayaa inay ka heshiiyeen saxiixa Harry Maguire.

Kabtankii hore ee kooxda Man United, Harry Maguire ayaa ku dhibtooday Old Trafford, waxaana laga qaaday calaamadda hoggaaminta Man United, iyadoo la filaya inuu isaga tago naadiga inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga xiddigaha ee Fabrizio Romano ayaa warinaya in kooxaha Man United iyo West Ham ay heshiis afka ah ka wada gaareen saxiixa Harry Maguire.

Fabrizio Romano waxa uu sheegay in labada kooxood ay haatan ka shaqeynayaan sidii ay u wada gaari lahaayeen heshiis kama dambeys ah oo Maguire ugu wareegayo dhanka kooxda West Ham.

Kooxda West Ham ayaa warinayaa in ogolaatay inay 30 milyan oo gini kula wareegto Harry Maguire.

Waxaa sidoo kale la filayaa in kooxda West Hamn ay bilaabi doonto inay heshiiska shaqsiga ah la gaarto daafaca reer England ee Harry Maguire.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button