2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMAN UNITEDPremier LeagueWararka

Muddada uu garoomada ka maqnaan doono saxiixa cusub ee Man United Rasmus Hojlund oo la shaaciyey

Waxaa la shaaciyey muddada uu garoomada ka maqnaan doono Weeraryahanka cusub ee kooxda Manchester United, Rasmus Hojlund kaasoo uu dhaawac soo gaaray.

Rasmus Hojlund ayaa lagu soo warramayaa inuu garoomada dhaawac fudud uga maqnaan doono bilowga xilli ciyaareedka cusub ee England Premier League.

Dhaawac fudud oo ku soo gaaray kulamadii isdiyaarinta xilli ciyaareedka ee kooxda Atalanta ayaa sababay in weeraryahanka cusub ee Man United, Rasmus Hojlund uu garoomada kaga qabnaado lix todobaad.

Xiddiga xulka qaranka Denmark ayaa Sabtidii la xaqiijiyey imaatinkiisa garoonka Old Trafford, waxaana uu kooxda Man United qalinka ugu duugay qandaraas shan sanadood ah.

20-sano jirkaan ayaa filayay inuu ciyaari doono kulankii ugu dambeeyey Man United ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka oo ay la dheeshay Athletic Bilbao, balse waxaa la ogaaday in xiddigu uu dhaawacan yahay.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa haatan xaqiijiyey in Rasmus Hojlund uu dhaawac ku seegi doono bilowga kal ciyaareedka cusub ee 2023/24.

Dhinaca kale Jariiradda The Mirror ayaa ku warramaysa in Rasmus Hojlund uu garoomada dhaawac dhabarka ah uga maqnaan doono lix todobaad, taasoo la micno ah in xiddiga reer Denmark uu seegi doono lix kulan oo ka mid ah horyaalka Premier League oo ay ciyaareyso kooxdiisa Man United.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button