2022 FIFA World CupWARARKA MAANTA

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo baaritaan ku biloway Samuel Eto’o

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa lagu wadaa in ay baaritaan ku sameeyaan halyeyga reer Cameroon Samuel Eto’o, sababo la xiriira dhaqan xumo ay ku eedeeyeen xubno kamid ah xiriirka kubbada cagta Cameroon (FECAFOOT).

Laacibkii hore ee Barcelona ayaa cadaadis xooggan kala kulmayay xubno ka tirsan xiriirka kubadda cagta Cameroon.

Bayaanka rasmiga ah oo ka soo baxay CAF ayaa lagu yiri:

CAF waxay heshay bayaan qoraal ah oo ka yimid dhowr xubnood oo kamid ah kubbadda cagta Cameroon ah si ay u eegaan una baaraan qaar ka mid ah dhaqamada khaldan ee lagu eedeeyay Mr. Samuel Eto’o oo ah Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Cameroon (“FECAFOOT”).

CAF waxay eegaysaa codsiyadan iyadoo waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta CAF,inkastoo eedeymaha ay yihiin kuwii ugu horreeya ee lagu hayso Eto’o

Samuel Eto’o waxaa loo arkaa inuu yahay mid aan waxba galabsan illaa hay’addaha caddaaladda ee ku habboon ay baaraan arrintan.

CAF ma bixin doonto wax war ah oo dheeri ah inta ay baaritaanadu socdaan waxayna kaliya sheegi doonaan bayaan guud marka dacwadu dhamaato.

Astaansports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button