Kevin De Bruyne oo xiddigaha Manchester City guddoonsiiyay haddiyad qaali ah.
Ciyaaryahanka kooxda Man City Kevin De Bruyne ayaa xiddigaha Manchester City kaga yaabsaday Iphone qiimihiisu yahay 5,000 oo Giniga Iphone-kan oo ah nooca qaaliga ee platinum-ka, si loogu xuso xilli ciyaareedkii saddexaad ee kooxda ku guulaystay horyaalka Premier league.
Kevin De Bruyne ayaa saaxiibadiisa kooxda Manchester City hadiyad u ahaan u siiyay taleefoonnada gacanta ee platinum iPhones si ay u xusaan xilli ciyaareedkii saddexaad ee taariikhiga ahaa ee ay kooxda ku guuleysatay tartamo waaweyn.
Ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee Premier League, xiddiga reer Belgian waxa uu hadiyad ahaan u siiyaya saaxiibadaiisa kooxda 26-taleefoon oo midkiiba qiimihiisu yahay £5,000.
De Bruyne ayaa soo bandhigay telefanadan qaaliga ah, oo ay sameysay shirkada caalamiga ah ee naqshadeenta mobilada IDesign Gold, maalintii Khamiista
Talaabadan dhiiragelinta ah waxaa horey u sameeyay Lionel Messi oo hadiyad ahaan u siiyay 35 iPhones dahab ah qiimahoodu dhan yahay £175,000 isagoo si lama filaan ah u siiyay ciyaartoyda xulka Argentina ee ku guuleystay Koobka Adduunka horaantii sanadkan.
Xilli ciyaareedkii 2022-23 ayaa ahaa kii ugu fiicnaa taariikhda 129-sano ay dhisan tahay Man City iyadoo kooxda Guardiola ay noqotay kooxdii labaad ee ka dhisan Ingariiska ee ku guulaysata saddex koob oo kala ah Premier League, Champions League iyo FA Cup xilli ciyaareedkii 2022-23.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u diyaariyey dhammaan ciyaartoyda, iyo sidoo kale Guardiola iyo milkiilaha kooxda Man City Sheik Mansour, inay helaan Telefoono iPhone14 ah oo magacooda iyo astaanta kooxda ay ku xardhan yihiin.
Agaasimaha hal-abuurka ah, iDesign Gold ayaa yiri aragtidayadu waa in aan awood u siinno shakhsiyaadka si ay u qaataan masuuliyadooda oo ay muujiyaan sameynta waxbixin geesinimo leh ee dunida dhijitaalka ah, taas oo ah sababta aan u sharfay in aan la shaqeeyo Kevin.
Waxaan rabnaa in aan noqono lambarka koowaad ee shirkada soo saaro qalabka casriga ah ee Aduunka, waxaan iibinaa iPhones xaddidan, waan ku faraxsanahay waxa uu sameeyay Kevin De Bruyne
Kooxda Man City ayaa xalay ku furatay guul weyn kulankoodii koowaad horyaalka Premier League kaddib markii 3-0 ay ku garaaceen kooxda Burnley oo dib ugu soo laabatay horyaalka heerka koowaad ee Premier league xilli ciyaareedkan 2023/24.