2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMan CityPremier LeagueWararka

Macallinka Man City ee Pep Guardiola oo ka hadlay dhaawaca Kevin De Bruyne

Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay dhaawicii xalay soo gaaray xiddigiisa khadka dhexe ee Kevin De Bruyne.

De Bruyne ayaa xilli horeba dhaawac kaga baxay kulankii kooxdiisa Manchester City ay guusha ku furatay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, kaasoo ay ka adkaadeen Naadiga Burnley.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa la arkaayay isagoo jilbaha haysta, kaddib markii ay dhakhaatiirtu garoonka ugu galeen, waxaana Tababare Pep uu ku qasbanaaday inuu kulanka dhaawac uga saaro.

Pep Guardiola ayaa ka hadlay dhaawacaas soo gaaray Kevin, waxaana uu yiri: “Nasiib-darro markale ayuu dhaawacmay, waana isla meeshii uu ka dhaawacmay final-kii Champions League, in muddo ah ayuuna maqnaan doonaa.

“Final-kii Champions League waxa uu ku baxay 25 daqiiqo, maanta waxa uu dareemayay inuu fiican yahay 40-kii ilaa 45-kii daqiiqo ee ugu horreeyey, balse nasiib-darro haddana waa uu dhaawacmay.” ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha reer Spain.

Yeelkeede, 32-sano jirkaan ayaa la filayaa in maanta ay dhakhaatiirta kooxdu ay baaritaan ku sameeyaan, isla markaana ay saacadaha soo aaddan xaqiijiyaan muddada uu garoomada ka maqnaan doono.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button