2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBayern MunichPremier LeagueWararka

RASMI: Kooxda Bayern Munich oo xaqiijisay saxiixa Harry Kane… + SAWIRRO

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa xaqiijisay maanta saxiixa Harry Kane, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga reer England ee Tottenham.

Kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa heshiis shan sanadood ah qalinka ugu duugay kooxda Bayern Munich, waxaana uu todobaadkii mushahar ahaan uga qaadan doonaa 415,000 oo gini.

30-sano jirkaan ayay kooxda reer Jarmal ku soo iibsaday adduun lacageed dhan 120 milyan oo euro.

Waxaa uu saxiixay heshiis ku eg ilaa sanadka 2027, waxaana lagu taagay Kane maaliyadda lambarka 9-aad ee kooxda Bayern Munich.

Harry Kane ayaa ka tagay kooxda Tottenham, isagoo u saftay 435 kulan tartammada oo dhan una dhaliyey 280 gool, isagoo ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda naadiga Spurs.

Sidoo kale waxa uu ka tagay horyaalka Premier League oo uu ka dhaliyey 213 gool, isagoo haatan 47 gool ka dambeeya xiddiga ugu goolasha badan horyaalka Ingiriiska ee Alan Shearer, kaasoo dhaliyey 260 gool.

Kane ayaa noqday xiddiga ugu mushaharka badan xiddigaha kooxda Bayern Munich, haddaba halkaan hoose ka eeg mushaharaadka ciyaartoyda Bayern Munich:-

Josip Stanisic – £31,366-toddobaadkii

Bouna Sarr – £31,502-toddobaadkii

Sven Ulreich – £33,160-toddobaadkii

Mathys Tel – £66,319-toddobaadkii

Benjamin Pavard – £82,899-toddobaadkii

Jamal Musiala – £82,899-toddobaadkii

Eric Maxim Choupo-Moting – £116,059-toddobaadkii

Noussair Mazraoui – £132,639-toddobaadkii

Raphaël Guerreiro – £132,639-toddobaadkii

Ryan Gravenberch – £152,535-toddobaadkii

Alphonso Davies – £186,524-toddobaadkii

Min-jae Kim – £198,958-toddobaadkii

Matthijs de Ligt – £265,278-toddobaadkii

Kingsley Coman – £281,858-toddobaadkii

Leon Goretzka – £298,438-toddobaadkii

Serge Gnabry – £312,862-toddobaadkii

Joshua Kimmich – £323,307-toddobaadkii

Leroy Sane – £331,597-toddobaadkii

Thomas Muller – £339,887-toddobaadkii

Manuel Neuer – £348,177-toddobaadkii

Harry Kane – £400,000-toddobaadkii

SAWIRRO:

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button