2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaPremier LeagueReal Madrid

Claude Makelele xiddigii wax ka beddelay booska burburiyaha ee Central Defensive Midfielder

Claude Makelele waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ciyaartoydii ka dheeshay booska Khadka dhexe ee difaactama, waana xidiggii hormariyay, wax weynna ka beddelay booska loo yaqaan CDM (Central Defensive Midfielder).

Qaladkii ugu weynaa ee uu guddoomiyaha Real Madrid ka sameeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxay jaraa’idyadu ku sheegeen markii Real Madrid oo cirkaa mareysay uu kooxda ka diray Claude Makelele oo uu ka iibiyay naadiga Chelsea sanadkii 2004.

Sanado badan ayay u dhutisay Real Madrid, taasoo falanqeeyayaasha ku takhasusay ciyaarta kubadda cagtana ay toos ugu muuqatay.

Waxaa xidiggii hore ee reer France ee Makele lagu tilmaani jiray difaaca 5-aad, weerarrada lagu soo qaado Real Madrid-na intooda badan maba gaari jirin 4-ta difaac ee dambe isaga ayaana dhexda ku dili jiray.

Zidane oo ka hadlayay fasixitaankii Real Madrid ee Makelele wuxuu yiri: “Waa maxay sababta aad ugu baahan tahay in aad baabuur Bentley ah dahab ku xaradho iyadoo baabuurkaasi uu lumiyay Matoorkii”.

Macallin Jose Mourinho iyo Chelsea ayaa ka faa’iideystay Makelele isagoo la qaaday labo Premier League (2004–05, 2005–06), labo EFL Cup (2004–05, 2006–07), hal FA Cup (2006–07) iyo hal FA Community Shield (2005).

Waxaa la rumeysan yahay in Claude Makelele uu yahay xiddigii wax badan ka beddelay booska burburiyaha.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button