Mikel Arteta oo ka hadlay dhaawaca Jurrien Timber.
Mikel Arteta ayaan sheegay in baaris dheer ay u baahantahay xaalada dhaawaca Jurrien Timber kaas qaybtii labaad dhaawac ku baxay kulankiisa ugu horreeyay Premier League ee shalay Arsenal 2-1 kaga adkaatay kooxda Nottingham Forest.
Ciyaaryahanka u dhashay dalka Holand ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horreeyay ee Arsenal nasiib darro ma uusan dhammaysan ciyaarta isagoo ku baxay dhaawac u muuqday kubka.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa kulanka kaddib wax laga weydiiyay dhaawaca soo gaaray Jurrien Timber waxaana uu sheegay in uu mari doono baaritaano dheeri ah si loo hubiyo dhawaca soo gaaray.
Arteta ayaa sheegay inuu jiro xanuun uu ka dareemayay kubka Jurrien Timber laakiin uusan ahayn mid sidaasi u weyn waxaana uu intaa kudaray in saraakiisa caafimaadka uu ka warsugayo.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherland ayaa ku dhaawacmay kubbad uu kula xifaaltamay xiddiga kooxda Nottingham Forest Brennan Johnson taasooo uu jaale ku qaatay.
23 sano-jirkaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Guul bilow ah” kaddib ciyaarta isagoona wax faalo ah ka bixin dhaawaca soo gaaray.