Xaqiiqooyinka ugu sarreeya ee aad u baahan tahay inaad ka ogaato Ronaldinho
Ronaldinho ayaa Brazil u ciyaaray 97 kulan wuxuuna u dhaliyay 33-gool isagoo noqday ciyaaryahanka 8-aad ee ugu goolasha badnaa taariikhda xulka Selecao, wuxuu xirfadiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyay 145-kulan oo uu u saftay xulkiisa iyo 70 gool uu u dhaliyay.
Ronaldinho, waxa uu dhashay March 21, 1980, waxaana uu ku dhashay Porto Alegre, ee dalka Brazil.
Xirfadihiisa cajiibka ah ayaa ka dhigtay mid soo jiidata dareenka kubadda cagta waxa uu kamid ahaa ciyaartoydii xulka Qaranka Brazil, ee ku guuleystay Koobka Adduunka ee FIFA 2002.
Waxa uu sidoo kale ka caawiyay FC Barcelona ku guuleysiga Champions League, Ronaldinho ayaa markii ugu dambeysay u ciyaaray kooxda Fluminense ka hor inta uusan ka fariisan ciyaaraha kubbada cagta.
Ronaldinho ayaa ku guuleystay abaal marinta FIFA Player of the Year sanadihii 2004 iyo 2005, waxa uu ku biiray kooxda Gremio isagoo da’yar, waqti badan kuma qaadan inuu ka mid noqdo ciyaartoydii Brazil ee loogu hadal haynta badnaa sanadkii 1998-dii.
Ronaldinho ayaa noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan xulka qaranka Brazil, kaddib qaab ciyaareedkii cajiibka ee koobkii Aduunka ee 2002, kooxo badan ayaa u hanqal taagayay adeegiisa, Kooxda Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan caalamka ayaa ku iibsatay lacag dhan 2.25 milyan oo Yuuro.
Ronaldinho ayaa ku soo laabtay Brazil sanadkii 2011, wuxuuna u soo ciyaaray kooxaha Flamengo iyo Atlético Mineiro ka hor inta uusan muddo kooban la joogin kooxda Querétaro ee ka dhisan Mexico.
wuxuu ku soo laabtay kooxda Fluminense kaddib bandhigyo niyad jab leh, Ronaldinho wuxuu noqday mid xor ah, tan iyo markaasi waxaa si joogta ah loo hadal hayay halka ay kooxdiisu noqon doonto ilaa uu ka caddeeyo qorshihiisa ah inuu ugu dambeyntii ka fariisto kubbada cagta sanadkii 2018 kaddib in ka badan laba sano koox la’aan.
Hibada Ronaldinho ma ahayn mid sahlan xaqiiqda xiisaha leh ayaa ah isago jiro 13, ayuu dhaliyay 23-gool kulan ay kooxdiisu ku badisay 23-0, dhacdadan ayaa soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamka.
Ronaldinho ayaa markii dambe loo doortay kooxda da’yarta Gremio ka hor inta uusan u ciyaarin Brazil koobkii adduunka ee dada17-jirada ee xulka Brazil.
Ronaldinho ayaa lagu xasuusan doonaa waqtiyo aan lasoo koobi karin oo farxadeed oo uu u horseeday taageerayaasha kubada cagta adduunka oo dhan.
Ronaldinho ayaa u soo ciyaaray kooxaha Gremio, Paris Saint-Germain, Barcelona, AC Milan, iyo Brazil isagoo ku guuleystay laba horyaal, Scudetto, Champions League, Koobka Adduunka iyo 2005 wuxuu ku guuleysatay Ballon d’Or.
Ronaldinho waa cayaaryahanka kaliya ee taariikhda ku guuleystay dhammaan 9-koob oo waaweyn. Xirfadiisa ciyaared kaddib markii uu si cajiib ah ku bilowday wacitaanka xulka Brazil ee FIFA Under-17. Waxa uu ka caawiyay kooxda inay ku guuleystaan Koobka Adduunka 199, dhacdadan weyn ayaa ka dhacday dalka Masar, halkaas oo loogu doortay ciyaaryahanka ugu fiican tartanka.
Xaqiiqada ugu muhiimsan ee Ronaldinho ayaa ah in taageerayaasha Real Madrid ay si weyn ugu soo dhaweeyeen garoonka Bernabeu markii ay 3-0 ku xasuuqeen Los Blancos, kaliya Maradona ayaa horey u helay soo dhaweyntaasi
Ronaldinho ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ka tirsan Barcelona tan iyo Diego Maradona oo loogu sacab tumay garoonka Bernabeu kaddib markii uu kala diray Real Madrid kulan ka tirsanaa El Clasico sanadkii2005-tii.
Astaansports