2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaPremier League

Macallin Mauricio Pochettino oo ka warbixiyey xaaladda dhaawac ee Reece James

Kaddib markii uu dhaawac soo gaaray Reece James kulankii xalay ay barbaraha la galeen Liverpool ee horyaalka Premier League, Macallin Mauricio Pochettino ayaa ka warbixiyey xaaladda laacibka.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay in Reece James uu maqnaado muddo fog kaddib markii uu dhaawac uga baxay kulankii ay xalay soo dhoweeyeen Liverpool.

Kooxda Chelsea ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Liverpool oo marti u ahayd kulankooda furitaanka u ah horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana qeybtii dambe ay dhaawac ku waayeen xiddigooda Reece James oo kulanka laga saaray.

Waxaa Reece James lagu beddelay Malo Gusto, kaasoo kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaray Chelsea kal ciyaareedkan.

Yeelkeede, Macallin Mauricio Pochettino ayaa meesha ka saaray absidii laga qabay in dhaawaca xiddigani uu yahay mid halis ah, waxaana uu xusay in kaliya taxadar ahaan looga saaray garoonka James.

Kaddib markii la weydiiyey sababtii uu ciyaarta uga saaray James ayuu ku jiraabay Macallin Mauricio Pochettino: “Waxa uu dareemay daal fara badan, waxa aan qiimaynnay xaaladda xiddiga, maadaama uu muddo ku maqnaa dhaawac.

“Sidaas awgeed waxa aan go’aansannay inaan nasiino siino isaga.” ayuu hadalkiisa raaciyey Pochettino.

Reece James ayaa la filayaa inuu taam buuxa u noqon doono kulanka soo aaddan ee kooxda Chelsea, iyadoo Macallin Mauricio Pochettino uu qalbiga u qaboojiyey taageerayaasha Chelsea.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button