2022 FIFA World Cup2022 FIFA World Cup

Maxaa ka soo kordhay Kylian Mbappe & Kooxda PSG..?

Xiddiga reer France Kylian Mbappe ayaa dib loogu soo celiyay kooxda koowaad ee Paris Saint-Germain, sida ay sheegtay war ay soo saartay kooxda.

Waxay ahayd mid ay tabeen kulankii furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee Ligue 1 dalka Faransiiska  kooxda difaacaneyo horyaalka PSG, ayaa  Mbappe ka saartay kulankii sabtidii ay barbaro goolal la’aan ah la galeen kooxda Lorient.

Kaddib markii uu garoomada ka maqnaa dhowr toddobaad iyadoo uu socday muran qandaraas, kordhin ah  Mbappe ayaa daawaday kulankii sabtida ay barbarha la galeen kooxda Lorient kulan lagu ciyaaray garoonka Parc des Princes ee kooxda PSG.

Kaddib wada hadalo wax ku ool ah oo dhex maray Paris Saint-Germain iyo Kylian Mbappe ka hor kulankii PSG iyo Lorient, ciyaaryahanka ayaa dib loogu soo celiyay tababarka kooxda koowaad ee PSG ayay kuu sheegtay kooxda hadal ay soo saartay Axadii shalay.

Bishii hore Al-Hilal ayaa dalab 300-milyan oo Euro ah oo u dhiganta ($328 milyan oo dollar) ka gudbisay Mbappe, inkastoo la sheegay in weeraryahanka uu diiday inuu la kulmo mas’uuliyiin ka tirsan kooxda.

Kabtanka France ayaa diiday in uu u kordhiyo heshiiska PSG taas oo la macno ah in uu si xor ah uga tagi karo sanadka dambe iyadoo Real Madrid ay wakhti dheer u arkaysay halka uu doonayo.

Milkiilaha kooxda PSG ayaa doonayo inuu lacago qaali ah ku iibiyo Kylian Mbappe haddii uu diido inuu saxiixo hishiis cusub, kooxda PSG ayaa sanadkii 2017-kii ka soo iibsatay kooxda Monaco Kylian Mbappe  lacag dhan 180 milyan euros oo u dhiganto ($198milyan oo dollar).

Mawqifku PSG aad buu u cad yahay haddii Kylian uu doonayo inuu sii joogo, waa inuu saxiixaa qandaraas cusub.

Uma ogolaan karno ciyaaryahanka ugu fiican Adduunka maanta inuu bilaash ku baxo waa wax aan macquul aheyn ayuu yiri, milkiilaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi bishii hore.

Mbappe looma ogolaan in uu tababar la qaato kooxda kowaad waxaana uu ciyaaray kaliya hal kulan oo ka mid ah shantii kulan ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. PSG sidoo kale reebtay safarkii xilli ciyaareedka ee kooxda ku soo ciyaartay dalka Japan iyo South Korea.

Kooxda PSG ayaa sheegtay Mbappe, inuu dib ugu soo laabtay kaddib wadahadal labada dhinac ah

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button