2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaLa LigaPremier LeagueReal Madrid

RASMI: Kepa Arrizabalaga oo dhammaystiray ku biiristiisa kooxda Real Madrid

Goolhayihii kooxda kubadda cagta Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa dhammaystiray xilli ciyaareed amah ah oo uu ugu biiray naadiga Real Madrid ee ka dhisan caasimadda dalka Spain.

Real Madrid ayaa ku qabsanaatay inay la saxiixato goolhayihii Chelsea ee Kepa Arrizabalaga kaddib markii uu dhaawac daran soo gabagabaeeyey xilli ciyaareedkii Thibaut Courtois.

Kepa ayaa yimid garoonka Stamford Bridge xagaagii 2018, waxaana uu ka soo dhaqaatay Athletic Club, isagoo noqday goolhayaha koowaad intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Blues.

54 kulan ayuu saftay xilli ciyaareedkii 2018/19, waxaana uu kal ciyaareedku soo dhammaaday isagoo Chelsea kula guuleystay koobka Europa League.

Shabaq ilaaliyaha reer Spain ayaa 109 ciyaarood oo dheer ah u saftay Blues afartii xilli ciyaareed ee xigay, waxaana uu ku lug lahaa inay kooxdu ku guuleysato Champions League, UEFA Super Cup iyo koobka kooxaha Adduunka ee FIFA World Club Cup.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Kepa ayaa markii ugu horreysay loo dhiibay calaamadda kabtanimada, waxaana uu dib uga mid noqday safka xulka qaranka Spain.

Kooxda Chelsea ayaa u wanaag oo dhan u rajaysay xilli ciyaareedka soo socda ee Madrid, halkaasoo uu kula shaqayn doono tababarihii hore ee Chelsea, Carlo Ancelotti.

Berri galabtii ayaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa goolhaye Kepa, isagoo xiddig kooxda Real Madrid ah.

Kepa ayaa ka maqnaa kulankii Chelsea ay ku furatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka, kaasoo ay barbaraha la gashay Liverpool, waxaana Blues shabaqa ug ujiray oo safka hore ugu soo billowday goolhayahooda cusub ee Robert Sanchez.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button