2022 FIFA World CupWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Tartan k/cagta oo loo qabtay Arday Soomaaliyeed oo lagu soo gagabeeyay dalka Uganda

Tartan kubbadda cagta uu soo agaasimay guddoomiyaha ardayda Soomaliyed ee Jaamacada ISBAT ee dalka Uganda Abdifatah Fangase ayaa  lagu soo gabagabeeyay dalka Uganda.

Tartankan oo ahaa mid loo qabatay kuliyadaha kala duwan ee jamacada ISBAT waxana kasoo qayb galay guddoonka ardeyda Jaamacada ISBAT ee dalka Uganda, uu hoggaaminayo guddoomiye Abshir Salad

Tartankan oo ahaa mid aad u xiiso badan waxaa ku tartamay kuliyada kala duwan ardeyda ee jamacada ISBAT ee dalka Uganda.

Kulanka fiinaalka waxaa iskugu yimi labada kuliyadood ee kala ah Engineering iyo ICT waxaan horyaalka Jaamacada ISBAT noqotay  kuliyada ICT

Marka uu tartanka soo dhammaaday waxaa goobta ka hadlay Abdifatah Fangase oo ah guddoomiyaha ardayda Soomaliyed ee Jaamacada ISBAT ee dalka Uganda, waxaana uu u mahadceliyay dhammaan kuliyadihii kala duwanaa ee ka qaybgalay tartankan iy bandhiga cajiibka ee soo bandhigeen isagoo dhanka kale u hambalyeeyay kuliyada ICT ee koobkan ku guuleysatay.

Ugu dambeyntii waxaa la bixiyay abaal-marino kala duwan iyo koobka Jaamacada ISBAT ee dalka Uganda ugu talagashay tartanka kubbadda cagta ee la soo gabagabeeyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button