Maxay yihiin waxyaabaha yaabka leh ee ku jira heshiiska uu Neymar ugu biirayo kooxda Al Hilal?
Xiddiga kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa la soo warinayaa inuu u dhaqaaqayo dalka Sucuudiga si uu uga mid noqdo naadiga Al Hila lee dalkaasi.
Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga looga dambeeyo ee Fabrizio Romano ayaa warinaya in Neymar uu ku biiray Al Hilal, isla markaana lagu heshiiyey iibkiisa.
Tijaabada caafimaad ayuu weeraryahanka reer Brazil ku maray Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, waxaana uu todobaadkan u duuli doonaa dalka Sucuudiga si loo soo bandhigo.
Waxa uu Neymar kooxda Al Hilal qalinka ugu duugi doonaa qandaraas labo sanadood ah oo ku eg bisha June sanadka 2025.
Marka laga soo tago heshiiska uu saxiixayo, lacagaha uu ku wareegayo iyo mushaharka uu qaadanayo, waxaa sidoo kale heshiiska uu Neymar ugu biirayo kooxda Al Hilal ku jira waxyaabo yaab leh.
Heshiiska Neymar ee Kooxda Al Hilal oo soo gebageboobay sida warbaahintu sheegeyso, waxaana heshiiska ka mid ah:-
1- In Neymar la siiyo Guri weyn oo qasri oo kale ah isaga iyo shaqaalihiisa.
2- In la siiyo Diyaarad gaar ah.
3- Guul kasta oo ay gaarto kooxda Al Hilal inuu helayo 80,000 oo Euro.
4- Halkii Post ama Story kasta oo xayeysiin ah oo khuseeya Sucuudiga oo uu soo dhigo barihiisa bulshada inuu ku helayo 500,000 oo Euro.
Astaan Sports