2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMAN UNITEDPremier LeagueWararka

Tababare Erik Ten Hag oo sharraxay sababtii uu u beddelay Lisandro Martinez kulankii xalay

Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa sharraxaad ka bixiyey sababatii uu beddelka ugu saameeyey qeybtii nasashada kulankii xalay daafaciisa Lisandro Martinez.

Tababare Ten Hag ayaa sheegay in dhaawac soo gaaray awgiis uu u beddelay daafaca reer Argentina, inkastoo uu xusay in dhaawaca Lisandro Martinez uusan ahayn mid halis ah.

45-kii daqiiqo ee hore kulankii ay xalay guusha dirqiga ah Man United ka gaartay Wolves ayuu Lisandro Martinez soo bandhigay qaba ciyaareed liita, waxaana xitaa uu qaatay kaarka digniinta ah.

Dadka qaar ayaa u qaatay in Ten Hag uu ula baxay Martinez si uusan u qaadan kaarka casaanka, maadaama kulanku uu ahaa mid dagaal iyo raacasho ku dhisan, laakiin taasi sax ma’ahan oo tababaraha Man Utd waxa uu sheegay in dhaawac soo gaaray uu sabab u ahaa inuu beddel ku sameeyo daqiiqadihii nasashada oo uusan garoonka dib ugu soo celin.

Ten Hag ayaa daafacan Lisandro Martinez ku beddelay qeybtii labaad daafaciisa kale ee Victor Lindelöf.

Macallin Ten Hag ayaa markii la weydiiyey sababatii uu u beddelay Martinez qeybtii nasashada kulankii Man Utd iyo Wolves ku jawaabay: “Dhibaato yar ayaa ka soo gaartay canqowga, waan eegi doonnaa sida uu noqdo.

“Laakiin uma malaynayo inuu yahay dhaawac weyn, waan eegi doonnaa isbuucaan.” ayuu hadalkiisa raaciyey Tababare Ten Hag.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button