LIVERPOOLPremier LeagueWararka

Kooxda Al-Nassr oo isku dayaysa inay la soo wareegto goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker

Kooxda kubadda cagta Al-Nassr ayaa la soo warinayaa inay xiiso u qabto goolhaya Liverpool Alisson Becker, isla markaana ay doonayaa inay geeyaan horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

30 sano jirkaan ayaa Liverpool 70 milyan oo gini uga soo biiray horyaalka Serie A iyo kooxda Roma xagaagii 2018, waxaana uu ka mid noqday xiddigaha muhiimka u ah Macallin  Jurgen Klopp ee garoonka Anfield.

Alisson ayaa kooxda Merseyside-ka ka soo muuqday 232 kulan, waxaana uu ka caawiyey kooxda ku guuleysiga horyaalka Premier League iyo Champions League muddadii shanta sano ahayd oo uu ku sugnaa.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa kaliya seegay hal kulan oo horyaalka kooxdiisa Reds xilli ciyaareedkii hore, iyagoo ka dagaalammay billow xun oo ay ku bilowdeen horyaalka fasalkaas, isla markaana ku dhammaystay kaalinta shanaad, isla markaana ka ciyaari doona koobka Europa League xilli ciyaareedkan 2023-24.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, kooxda Al-Nassr ayaa eegeysa inay Alisson ka kaxayso garoonka Anfield iyo kubadda cagta Yurub xagaagan, iyadoo kooxda Sucuudigu ay doonayso inay xilli ciyaareedkan ku guuleysato horyaalka.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka Saudi Pro League ayaa horay ula wareegtay xiddigo caan ah 12-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay keeneen Cristiano Ronaldo oo ay ka soo qataeen Manchester United iyo xiddigii garab weerarka uga ciyaari jiray Liverpool ee Sadio Mane.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button