Premier LeagueWararka

Erling Haaland oo hoggaaminaya xiddigaha u sharraxan abaal-marinta PFA

Weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland ayaa hoggaaminaya xiddigaha u sharraxan abaal-marinta PFA ee ciyaaryahanka sanadka ee Ururka xirfadlayaasha kubadda cagta.

Erling Haaland waa mid ka mid saddex xiddig oo ka tirsan ciyaartoydii saddexleyda koob kula guuleysatay Manchester City ee u sharraxan abaal-marinta Professional Footballers’ Association Players’ Player of the Year award.

23-sano jirka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Norway ayaa xilli ciyaareedkii ugu horreeyey ee kubadda cagta Ingiriiska ayaa dhaliyey 52 gool tartammada oo dhan, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay ku guuleysatay horyaalka Premier League, tartanka Champions League iyo FA Cup.

Haaland ayaa lixda ciyaaryahan ee u sharraxan abaal-marinta PFA kula biiray kubbad sameeyaha reer Belgium ee Kevin De Bruyne iyo xiddiga xulka qaranka England ee John Stones oo ay ka wada tirsan yihiin Manchester City.

29-sano jirka ku dhashay Barnsley ee John Stones ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay uu Guardiola ka soo kaxeeyey daafaca, waxaana uu ka ciyaarsiiyey khadka dhexe.

Arsenal ayaa ahayd kooxda ugu dhow City ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana sidoo kale liiska ku jira laba ka mid ah xiddigaheeda, Bukayo Saka iyo Martin Odegaard.

Arsenal ayaa ahayd kooxda ugu dhowayd Man City ee kula tartamaysay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana liiska xiddigaha u sharraxan abaal-marinta PFA ugu jira labadeeda ciyaaryahan ee kala ah Bukayo Saka iyo Martin Odegaard.

Xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka England ee Saka ayaa qaatay xilli ciyaareed cajiib ah, waxaana uu u dhaliyey Gunners 14 gool, isagoo u sameeyey 11 caawin.

Ciyaaryahanka qaranka Norway ee Odegaard ayaa kabtan u ahaa Arsenal, waxaana uu u dhaliyey 15 gool, isagoo u sameeyey Gunners 7 caawin.

Ciyaaryahanka kaliya ee aan ku jirin labada kooxood ee ugu sarreeyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore ee 2022-23, kana mid noqday xiddigaha u sharraxan abaal-marintan waa Harry Kane.

Kabtanka xulka qaranka England, kaasoo dhammaystiray ku biiristiisa kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka xagaagan ayaa 30 gool u dhaliyey kooxda Tottenham xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana kaliya ka horreeyey Haaland oo horyaalka ka dhaliyey 36 gool.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button