Jariiradda AS oo shaacisay faa’iidada uu Neymar Jr ka heli doono ku biiristiisa Kooxda Al-Hilal
Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr ayaa isaga tagay kooxda PSG, waxaana uu ku biiray todobaadkan kooxda ka dhisan dalka Sucuudiga ee Al-Hilal.
Waa mid ka mid ah heshiisyadii ugu hadal-haynta badnaa suuqa kala iibsiga xiddigaha, waayo lama filaynin in Neymar oo soo gabagabayn doono ka ciyaaristiisa qaaradda Yurub.
Waxa uu Neymar soo afjaray lix sanadood oo uu joogay kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee PSG, waxaana uu ka mid noqday xiddigaha ku qul-qulay horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League.
31-sano jirkaan Neymar oo dhaliyey 118 gool tan iyo markii uu yimid kooxda PSG sanadkii 2017 ayaa kooxda Al-Hilal kula biiray xiddigii hore khadka dhexe ee kooxda Wolves, Ruben Neves iyo si la mid ah kabtanka xulka qaranka Senegal ee Koulibaly.
Waxaa jira warar sheegaya in Neymar uu jecelaa inuu sii joogo qaaradda Yurub, isagoo doonayay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona, inkastoo uusan dalab rasmi ah ka helin kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou.
Si kastaba ha noqotee, haatan Jariiradda AS ee dalka Spain ayaa warinaya faa’iidada uu Neymar ka heli doono inuu tagay dalka Sucuudiga:-
1- Neymar waxaa la siinayaa Guri weyn oo qasri oo kale ah isaga iyo shaqaalihiisa, kaasoo leh 25 qol oo hurdo ah ama jiif ah.
2- Barkadda dabaasha oo cabirkeedu yahay 40×10 iyo saddex qol oo ah kuwa la isku huuriyo ama la isku qaboojiyo.
3- Shan shaqaale oo gurigaas qasriga ah aan meelna uga baxaynin 24-ka saacna la heli karo.
4- Saddex gaari oo kala duwan aadna qaali u ah, kuwaasoo lagu kala sheegay; A Bentley Continental GT, An Aston Martin DBX iyo Lamborghini Huracán.
5- Darawallo aan la weyn karin 24-ka saac oo haddii Neymar uu meel inuu aado u baahdo la booda wakhtiga ay doontaba ha noqotee.
6- Dhammaan biilasha Hotelada uu ku seexdo, maqaayadaha uu ku cuno iyo adeegyada kala duwan ee loo qabto maalmaha uu fasaxa yahay, waxaa loo diri doonaa xarunta weyn ee kooxda si ay u bixiso.
7- Waxaa la siin doonaa diyaarad gaar ah oo uu ku safro.
8- Halkii Post ama Story kasta oo xayeysiin ah oo khuseeya Sucuudiga oo uu soo dhigo barihiisa bulshada ee dhinaca Internet-ka waxa uu ku heli doonaa 500,000 oo Euro.
9- Guul kasta oo ay gaarto kooxda Al Hilal waxa uu heli doonaa 80,000 oo Euro.
10- Mushaharkiisa sanadkii waa 100 Milyan oo euro.
Astaan Sports