WARARKA MAANTA

Manchester United oo soo saartay war qoraal oo ku saabsan Mason Greenwood.

Manchester United ayaa soo saartay war qoraal oo ku saabsan soo laabashada Mason Greenwood ee kooxda koowaad kaddib markii warbaahinta ay sheegtay in da’yarkan uu  dib ugu soo laabtay kooxda koowaad ee Erik ten Hag.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Athletic, Maamulaha guud ee Man United, Richard Arnold, ayaa u sheegay hoggaanka fulinta kooxda usbuucii ugu horreeyay ee bishan Agoosto in kooxda Manchester ay qorsheyneyso inay Mason Greenwood dib ugu soo celiso kooxda koowaad.

Iyadoo uu qayb ka noqon doono kooxda koowaad ee Man United, Maamule Arnold wuxuu damacsanaa inuu duubo muuqaal sharraxaya go’aanka lala wadaagi doono shaqaalaha iyo taageerayaasha kooxda kaas oo ay ahayd in la sii daayo Jimcihii la soo dhaafay,

Shalay oo ahayd Arbaco war qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay.

Kaddib markii lagu waayay dhammaan eedeymihii lagu haystay Mason Greenwood bishii Febraayo 2023, Manchester United waxay sameysay baaritaan dhab ah oo ku saabsan eedeymaha loo soo jeediyay.

Marxaladda xaqiiq-raadinta ee baaritaankeenna hadda wuu soo dhammaaday, waxaanan ku jirnaa heerkii ugu dambeeyay ee go’aan ka gaarista mustaqbalka Mason ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay kooxda Man United.

Waxa kale oo aanu leenahay masuuliyada Mason shaqaale ahaan, waa qof dhalinyaro ah oo kooxda ka tirsanaa illaa da’da 7-jirka.

Si ka soo horjeeda saxaafadda, go’aankaas ayaan weli la gaarin oo hadda waa mawduuc gudaha ah oo laga doodayo.

Mas’uuliyadda ugu dambeyso waxay saaran tahay sarkaalka Sare ee Fulinta kooxda, marka la gaaro, go’aanka waxaa lala socodsiin doonaa oo loo sharixi doonaa warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Tani waxay ahayd kiis adag Manchester United, waxay  fahamsantahay fikradaha adag ee ay kicisay arrinta, iyadoo lagu saleynayo caddaymaha qayb ka mid ah goobaha dadweynaha.

Waxaan codsaneynaa samir inta aan ka shaqeyneyno marxaladaha ugu dambeeya ee kiiskan.

Mason Greenwood ayaan Man United u ciyaarin tan iyo bishii January ee sannadkii hore oo ahayd xilligii lagu eedeeyay kufsi ugu dambeyntii lagu waayay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button