Xiriirka K/Cagta Saudi Arabia oo wadahadal kula jiiro UEFA.
Xiriirka Kubadda Cagta Saudi Arabia (SAFA) ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo kula jira xiriirka kubbadda cagta Yurub ee UEFA, si loogu ogolaado in kooxda ku guulaysata horyaalka Saudi Pro League ee ka qaybgasho tartanka xiisaha badan UEFA Champions League (UCL) laga bilaabo sanadka 2025 wixii ka dambeeya.
Tani waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadi doonta sumcadda kubadda cagta Sacuudiga, sidoo kale waxay fursad u abuuri doontaa kooxaha horyaalka Sucuudiga iney helaan ciyaartoy badan oo yurub ka ciyaaro waqtigan.
Horyaalka Sacuudiga waxaa la aas-aasay sanadkii 1976-dii, waxaana hadda kooxaha horyaalka Sucuudiga ka kooban yihiin 18-kooxood, iyadoo kooxda Al-Hilaal ay tahay kooxda ugu guulaha badan oo heysata 18-horyaal.
SPL ayaa sarsannadihii u dambeeyay, hormar wayn ku tilaabsanayo taasi oo ay ugu wacan tahay maalgashiga iyo taageerida Dowladda Sacuudiga iyo hindisaha Hiigsiga 2030-ka.
Horyaalka ayaa sidoo kale soo jiidatay ciyaartoy waaweyn oo ka kala yimid daafaha caalamka, sida Neymar, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, kuwaasi oo ku biiray kooxaha kala duwan ee horyaalka, waana sababta keentay inay kooxaha Saudi Arabia hami weyn uu ka galo ka qaybgalka UCL haddii heshiiska la isku afgarto.
Haddii hishiiskan lagu guuleysto waxay sidoo kale noqon doontaa in Ronaldo uu dib ugu soo laabto tartanka UCL, halkaasoo uu ku leeyahay rikoor heer sare oo ah inuu ka dhaliyay tartanka UCL, 140-gool xirfadiisa ciyaareed.
Sida laga soo xigtay Calcio Finanza, SAFA ayaa wadahadalo kula jirta UEFA sidii ay koox Sucuudi ah ugu qaybgali lahayd tartanka UEFA Champions League sanadka 2025.
Ku darida suurtogalka ah ayaa noqon karto kaliya kooxda ku guulaysta SPL iney kamid noqoto kooxaha ciyaarayo UCL, haddii UEFA ay aqbasho waxay u noqon doontaa talaabo weyn oo kubada cagta Sucuudiga sare u aqaadi doonto iyadoo
dhan kale kooxaha SPL ay u noqon doonto tijaabo weyn marka ay wajahaan kooxaha ugu xoogan Yurub.