WARARKA MAANTA

Kooxda Barcelona oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkad weyn.

Kooxda Barcelona oo qandaraas kula jirtay shirkad taxi ah, oo baabuurtooda gaareyso 30 iyo 40 darawal oo shaqadoodu ay tahay in ciyaartoyda da’da yar ay keenaan xirada La Masia ayaa kansashay hishiiskaasi.

Sababta ayaa lagu sheegay in Barça dhaqaale xumo u joojisay, waxayna kooxda ku wargalisay qoysaska inay caruurtooda ku keenaan basas xarunta tababarka.

Qoysas badan ayaa ka fiirsanaya inay caruurtooda kala baxaan La Masia go’aankan awgiis, sida ay sheegtay Mundo Deportivo.

​Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii Barcelona ay xirtay Tvga kooxda oo shaqeenayay  ku dhawaad 20 sano waxaana shaqada katagay dad badan oo ka shaqeenayay.

Barcelina waxay wajahaysaa marxaladii ugu adkeed dhanka dhaqaalaha waxaana kooxda ay wadaa dadaalo ay ku dooneyso iney hesho mashruucyo hormarineed oo dhanka dhaqaalaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button