LIVERPOOLPremier LeagueWararka

Maxay tahay sababta uu lambarka saddexaad u qaatay saxiixa cusub ee Liverpool, Wataru Endo?

Saxiixa cusub ee kooxda kubadda cagta Liverpool ee Wataru Endo ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u doortay lambarka saddexaad ee Reds.

Liverpool ayaa shalay oo Jimce ahayd soo bandhigtay Endo, waxaana uu noqday saxiixii saddexaad oo ay kooxdu ka sameysay suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Kabtanka xulka qaranka Japan ayaana qalinka ku duugay heshiis afar sanadood ah oo uu ku sii joogi doono garoonka Anfield.

Haddaba kaddib markii uu si rasmi ah uga mid noqday Liverpool, waxa uu Endo shaaca ka qaaday sababtii uu u doortay lambarka saddexaad oo uu naadiga horay ugu xiran jiray xiddigii reer Brazil ee Fabinho oo u dhaqaaqay Sucuudiga.

“Waxa aan ka ciyaaraa lambarka 6-aad, waxa aan ahay xiddig ka ciyaara khadka dhexe ah ee daafaca, waxaana u malaynayaa inaan kooxda caawin karo,” ayuu yiri Endo.

“Lambarka saddexaad waa lambarkeyga sababtoo ah, lambar saddex ayaa uga ciyaaray Stuttgrat, sidoo kalena waxa aan uga ciyaaray xulka qaranka Japan sidaas darteed waan jecelahay lambarkan” ayuu ku jawaabay Endo markii la weydiiyey sababta uu u doortay inuu xirto lambarka saddexaad.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button