WARARKA MAANTA

FIFA oo baaritaano ku wado Lucas Paqueta & Luiz Henriqu maxay tahay..?

Baaritaanka ayaa la rumeysan yahay inuu udub dhexaad u yahay qaadashada kaarka jaalaha kulankii West Ham barbaraha la gashay kooxda Aston Villa, paqueta ayaa qaatay kaarka digniinta daqiiqada 69-aad si ula kac ah .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Lucas Paqueta ayaa laga saaray xulka Brazil iyadoo ay jirto walaac ku saabsan baaritaano ay ku wadaan xiriirka Ingiriiska ee FA-ga iyo iyo Hay’adda xiriirka kubbadda cagta FIFA.

Paqueta wuxuu iska fogeeyay in uu wax sharad ah ku galay qaadashada kaarka uu qaatay ciyaaryahanka reer Brazil oo 25-sano jir ah ayaa haatan seegi doona ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka ee xulkiisa Braziil la ciyaari doonaan xulalka kala ah Peru iyo Bolivia bisha Sebtembar ee soo socoto.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee xulka Brazil Fernando Diniz ayaa yiri “Paqueta waxa uu ku jiray liiska xulka Brazil, waa ciyaartoy aan aad u jecelahay, waa wakhtigii uu xalin lahaa arrimahan, iyo baaritaanka ku socdo dadku waxa ay u baahan yihiin wakhti ay ku xaliyaan arimahan, waa ciyaaryahan aan jeclahay”.

Lucas Paqueta, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay baaritaanka xiriirada kubbadda cagta FIFA iyo FA-ga Ingiriiska, waxaana uu meesha ka saaray ineysan jirin wax sharad ah uu ku galay inuu qaato kaarka digniinta.

Kooxda Man City ayaa ka fiirsaneyso dalab 80 milyan ginni ah oo Paqueta ay ku dooneyso iyadoo haddii arrintan si deg-deg ah loo xaliyo ay doonayaan iney iibsadaan.

Xiriirka FA-ga Ingiriiska way diideen inay wax faallo ka bixiyaan arrintan waxayna u muuqata in Man City aysan diyaar u ahayn iney sii waddo doonista Lucas Paqueta.

Si lamid ah ciyaaryahanka u ciyaaro kooxda Real Betis Luiz Henrique ayaa isna baaritaan ku socdo maadaama uu qaatay kaarka jaalaha kulankii kooxdiisa ay guusha ka gaartay kooxda Villarreal kulan ka tirsanaa horyaalka Spain.

FIFA  waxey ogaatay in ay jiraan Akoono  ay furten paqueta iyo Luiz Henrique waxayna ku heleen lacago khamaar ah.

Si kastaba Khamaarkan ayaa lamid ah 1xpet iyadoo FIFA ay horey u ganaaxday weeraryahanka kooxda Brentford Ivan Toney kaasoo lagu helay khamaar uu galay waxaana lagu ganaaxay lacago iyo 8-bil uu garoomada cagta soo saari Karin horaantii sanadkan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button