2022 FIFA World CupPremier LeagueWARARKA MAANTA

Gabdhaha xulka qaranka Spain oo markoodii ugu horreysay ku guuleystay Koobka Adduunka ee Haweenka

Xulka gabdhaha xulka qaranka Spain ayaa markoodii ugu horreysay ku guuleystay koobka Adduunka ee Haweenka, kaddib markii ay garaaceen dhiggooda England.

Koobka Adduunka Haweenka ee 2023 ayay hanteen gabdhaha Spain maanta kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen gabdhaha England.

Waxa uu kulankan ka dhacay magaalada Sydney ee dalka Australia gaar ahaan waxaa lagu ciyaaray garoonka la yiraahdo Stadium Australia.

Markii ugu horreysay taariikhdooda xulka Spain ayaa ku guuleystay koobka Adduunka haweenka, waxayana goolka madiga ah oo ay guusha uga heleen England uga mahadcelinayaan Kabtan Olga Carmona.

Waxaa xusid mudan intii kulankan uu socday in gool ku laad laga badbaadiyey Earps oo ka tirsan qaranka Spain.

SYDNEY, AUSTRALIA – AUGUST 20: Ivana Andres of Spain and teammates celebrate with the FIFA Women’s World Cup Trophy following victory in the FIFA Women’s World Cup Australia & New Zealand 2023 Final match between Spain and England at Stadium Australia on August 20, 2023 in Sydney / Gadigal, Australia. (Photo by Elsa – FIFA/FIFA via Getty Images)

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button