Lionel Messi oo kooxda Inter Miami u qaaday koobkiisa ugu horreeyay.
Lionel Messi ayaa haatan ah xiddiga ugu koobabka badan taariikhda kubada cagta kaddib markii uu ku guulaystay koobkii 44-aad ee xirfadiisa ciyaareed.
Messi ayaa u qaaday kooxda Inter Miami koobkiisa ugu horreeyay kaddib markii ay guul ka gaareen kooxda Nashville FC iyagoo ku guuleysatay koobka Leagues Cup ee loo qabto kooxaha ka dhisan horyaalka MLS-ka Dalka Mareykanka.
Waxay ahayd koobkii ugu horreeyay ee Messi uu la qaado kooxdiisa cusub inkastoo uu ku biiray kaliya bil ka hor koobkan uu ku guuleystay Messi ayaa ka dhigan inuu dhaafay Dani Alves wuxuuna noqday ciyaaryahanka kaliya ku guuleystay koobabka ugu badan taariikhda kubbada cagta.
Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 10-aad ee Inter Miami, iyadoo labada naadi ay ciyaarayeen koobkoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay ku soo biireen horyaalka MLS 2020, waxaa goolka daah furay kabtanka Inter Miami Messi daqiiqadii 23-aad, isagoo kubbad cag bidix ah dhex dhigay goosha kooxda Nashville FC Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Geodis Park ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad 1-0.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Nashville ayaa la timid goolka barbaraha markii uu Fafa Picault kubbad ahayd gees-laad madaxa ku dhaliyay daqiiqadii 57-aad ciyaarta, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-1 waqtigii loogu talagalay.
Rigoorayaal lagu kala saaray labada kooxood waxaa 10-9 koobka ku qaaday kooxda Inter Miami
Lionel Messi ayaa kooxda Barcelona kula guuleystay (35 koob)
La Liga (10): 2004–05, 2005–06, 2008–09, 2009–10, 2010–11, 2012–13, 2014–15, 2015–16, 2017–18, 2018–19
Copa del Rey (7): 2008–09, 2011–12, 2014–15, 2015–16, 2016–17, 2017–18, 2020–21
Supercopa de España (8): 2005, 2006, 2009, 2010, 2011, 2013, 2016, 2018
UEFA Champions League (4): 2005–06, 2008–09, 2010–11, 2014–15
UEFA Super Cup (3): 2009, 2011, 2015
FIFA Club World Cup (3): 2009, 2011, 2015
Sidoo kale Messi ayaa xulkiisa kula guuleystay shan koob uu ku jiro koobka Adduunka
Argentina (5 trophies)
FIFA World Youth Championship U20: 2005
Summer Olympics U23: 2008
FIFA World Cup: 2022
Copa América: 2021
Finalissima: 2022
Xiddiga todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa haatan uruursaday 44-koob intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed, kaasoo soo bilowday sanadkii 2004.
Koobabkii ugu waa weynaa ee uu ku guuleystay waxaa ka mid ah Koobkii Adduunka 2022, Copa America 2021 iyo afar koob oo Champions League uu ku guuleystay kooxda Barcelona.