2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMan CityPremier LeagueWararka

Aymeric Laporte oo maanta u safraya dalka Sucuudiga, kooxdee ayuu ku biiri doonaa?

Daafaca Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa u safri doona maanta oo Isniin ah dalka Sucuudiga su u dhammaystiro ku biiristiisa kooxda Al-Nassr oo ku qaadanaysa 23.5 milyan oo gini.

Waxa uu daafacan dhexe u duuli doonaa maanta bariga dhexe si uu ugu wareego kooxda Al-Nassr, isago onoqon doona Laporte xiddigii ugu dambeeyey ee ka ciyaara Yurub oo ku biiri doona horyaalka Saudi Pro League.

Laporte ayaa soo gabagabayn doona muddo shan sanadood ah oo uu ku qaatay Manchester, isagoo kooxda Pep Guardiola ka caawiyey ku guuleysiga shan horyaalka Premier League, labo FA Cup, shan League Cup iyo Champions League oo uu la hantay xilli ciyaareedkii la soo odhaafay.

29-sano jirkaan ayaa ka tagaya England, iyadoo labo sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Etihad, wuxuuna kooxda Al-Nassr kula biiri doonaa xiddigii hore ee Manchester United, Cristiano Ronaldo iyo Weeraryahankii hore ee Liverpool, Sadio Mane.

Laporte ayaa 180 kulan u saftay kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Man City, isagoo u dhaliyay 12 gool muddadaas.

Waxa uu arkay inuu hoos uga dhacay xulashada daafaca Pep Guardiola oo ay ka horreeyaan Ruben Dias, John Stones, Manuel Akanji iyo saxiixa cusub ee City, Josko Gvardiol.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button