WARARKA MAANTA

Dhacdooyinkii koobka Adduunka Haweenka 2023.

Koobka Adduunka haweenka ee FIFA ayaa la soo bilaabay  markii ugu horreyay sanadkii 1991-kii  waxaana martigeliyay dalka Shiinaha iyadoo ay ka qayb-galeen 18- xul.

Wuxuu soo maray marxalado kala duwan tan iyo bilowgiisa 1991-kii, iyadoo tartanka sanadkan 2023 uu ahaa midkii ugu daabashada badnaa.

Xiriirka kubbadda cagta FIFA ayaa ku bixiyay sanadkan lacagihii ugu badnaa tan iyo markii la soo bilaabay tartanka koobka Adduunka Haweenka 2023.

Koobka Adduunka Haweenka ayaa sanadkan furmay  20-kii  July 2023, waxaana la soo gabagabeeyay 20 Agoosta 2023.

Wadamada kala ah New Zealand & Australia ayaa martigeliyeen sanadkan 2023, wuxuu noqday koobka Adduunka Haweenka 2023, kii ugu daabashada badnaa, in ka badam 2 bilyan oo dad ah ayaa daawaday.

Waa markii ugu horreysay oo 32-dal ay ka qaybgalaan koobka Adduunka Haweenka 2023.

Xulalkii ugu badnaa ee ka socdo Afrika ayaa sanadkan 2023 ka qayb-galay koobka Adduunka Haweenka 2023. waxay kala ahaayeen xulalkaasi South Afrika, Nigeria, Zambia iyo Morrocco. 

32-dal ee ka qaybgalay koobka Adduunka Haweenka 2023 ayaa loo kaala qaybiyay 8 Guruub.

Group A               New Zealand, Norway, Philippines, Switzerland

Group B               Australia, Canada, Nigeria, Republic of Ireland

Group C               Costa Rica, Japan, Spain, Zambia

Group D               China, Denmark, England, Haiti

Group E                Netherlands, Portugal, United States, Vietnam

Group F                Brazil, France, Jamaica, Panama

Group G               Argentina, Italy, South Africa, Sweden

Group H               Colombia, Germany, South Korea, Morocco

Wareegga 16 waxaa u soo gudbay wadamada kala ah.

Switzerland, Spain Japan, Norway, Netherlands, South Africa, Sweden

USA, England Nigeria  Australia Denmark, Colombia Jamaica, France, Morocco

Dhammaan xulakii ka socday Afriaka ayaa ku haray wareega 16-ka koobka Adduunka Haweenka.

Wareega 8-da waxaa u soo gudbay wadamada kala ah

Spain, Netherlands, Japan , Sweden Australia, France, England, Colombia

Wareega 4-ta waxaa u soo gudbay wadamada kala ah.

Spain, Sweden, Australia, England,

Fiinaal

Spain 1-0 England

Abaal marinada la bixiyay koobka Adduunka haweenka 2023.

Gool dhalinta tartanka ee kabta dahabka waxaa ku guuleysatay gabadha u dhalatay Japan ee lagu magacaabo Miyazawa Hinata 5-gool ayay ku qaaday

Golden Glove: waxaa ku guuleysatay gabadha Englan goosha u haysay Mary Earps.

Golden Ball: waxaa ku guuleysatay Aitana Bonmati oo Spain u dhalatay

Young Player: waxaa ku guuleysatay Salma Paralluelo oo Spain u dhalatay.

Lacaga ay helayaan xulalka soo gaaray kaalmaha hore

Kaalinta koowaad            $4,290,000           ciyaaryahan kasto oo kamid ah kooxdan waxa uu helay $270,000

Kaalinta labaad $3,015,000           ciyaaryahan kasto oo kamid ah kooxdan waxa uu helay $195,000             

Kaalinta saddexaad        $2,610,000           ciyaaryahan kasto oo kamid ah kooxdan waxa uu helay $180,000

Kaalinta afaraad               $2,455,000           ciyaaryahan kasto oo kamid ah kooxdan waxa uu helay $165,000              

(Quarter-finals)  $2,180,000        ciyaaryahan kasto oo kamid ah kooxdan waxa uu helay $90,000

 (Round of 16)   $1,870,000          ciyaaryahan kasto oo kamid ah kooxdan waxa uu helay $60,000

 (Group stage)  $1,560,000 ciyaaryahan kasto oo kamid ah kooxdan waxa uu helay $30,000.

Astaansports.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button