2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Gabadhii hanashada koobka Adduunka ku hoggaamisay xulka haweenka Spain oo laga qariyey geerida Aabaheed!

Gabadha Kabtanka u ah xulka gabdhaha qaranka Spain ee Olga Carmona oo goolkii guusha u dhalisay xulkeeda kulankii final-ka koobka Adduunka oo ay guusha ka gaareen xulka haweenka England ayaa laga qariyey geerida Aabaheed.

Markii ciyaartu ay soo dhammaatay oo ay koobka Adduunka ku hoggaamisay xulka haweenka Spain ayaa Olga Carmona loo sheegay geerida Aabaheed.

Olga Carmona oo 23 sano jir ah ayaa dhalisay goolka qura oo ay xulka gabdhaha Spain ku hanteen koobka Adduunka haweenka markoodii ugu horreysay.

Waxaa markii ay ciyaartu soo idlaatay gabadhan daafaca uga ciyaarta kooxda Real Madrid ee Olga loo sheegay geerida Aabaheed oo la tacaalayay xanuun daran muddo aad u dheer.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Reuters, Aabaha dhalay Olga Carmona ayaa geeriyooday Jimcihii la soo dhaafay, balse laga qariyey in geeridaas loo sheego gabadha kabtanka u ah xulka qaranka Spain ee haweenka.

Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ee RFEF ayaa ka gaabsaday, isla markaana go’aan ku gaaray inaan Olga loo sheegin geerida Aabaheed, maadaama waajibaad qaran kulan kama dambeys koob Adduun ay wajahaysay gabdhaha England.

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa bayaan ay ka soo saareen geerida Aabaha dhalay Olga oo lagu qoray bartooda Twitter-ka waxa uu u dhignaa: “RFEF waxa uu si qoto dheer uga qoomamaynayaa inuu ku dhawaaqo geerida Aabaha dhalay Olga Carmona.”

“Xiddigta waxaan ka qarinnay warkan murugada xambaarsan, maadaama ay ciyaar kama dambeys ah oo weyn wajahaysay xulka England, waxaan u direynaa tacsi xanuun badan sida ugu daacadsan Olga iyo qoyskeeda, daqiiqad murugo qoto dheer ayaanan u istaagaynaa, waan ku jecel nahay Olga, waxaa tahay halyey taariikhda kubadda cagta Spain ku qoran.” ayaa la raaciyey bayaan ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Spain ee RFEF.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Spain ayaa warinaysa in qoyska Olga iyo asaxaabteeduba ay sidoo kale go’aansadeen inaysan u sheegin gabadhan geerida Aabaheed si ay diiradda u saarto ciyaarta kama dambeysa koobka Adduunka ahayd, iyadoo hooyadeed iyo walaalaheed ay Sabtidii gaareen dalka Australia si ay iyada u taageeraan.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo ay ka tirsan tahay Olga Carmona ayaa sidoo kale muujiyey kalgacalka ay u hayaan xiddigan, iyagoo ka tacsiyeeyey geerida ku timid Aabaheed.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button