10-ka laacib ee ugu mushaharka badan kubadda cagta Adduunka 2023 oo la shaaciyey
Waxaa la shaaciyey 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan kubadda cagta Adduunka sanadkan 2023, waxaana ka so omuuqday xiddigo waa weyn.
Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ayaa haatan hoggaaminaya ciyaartoyda kubadda cagta ugu mushaharka badan sanadkan 2023, halka Lionel Messi uu ka soo muuqday kaalinta lixaad.
Wargeyska ka soo baxa Faransiiska ee Le Parisien ayaa shaaciyey xiddigaha ugu mushaharka badan kubadda cagta 2023, kaddib markii laacibiin waa weyni ay u lacag doonteen dalka Sucuudiga.
Haddaba halkaan hoose ka eeg 10-ka laacib ee ugu mushaharka badan kubadda cagta Adduunka 2023 & xiddig waliba mushaharka uu qaato xilli ciyaareedkii iyo todobaadkii:-
10- Kalidou Koulibaly – 30 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (577 kun oo euro todobaadkii)
9- Riyad Mahrez – 35 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (673 kun oo euro todobaadkii)
8- Jordan Henderson – 40 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (769 kun oo euro todobaadkii)
7- Sadio Mane – 40 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (769 kun oo euro todobaadkii)
6- Lionel Messi – 45 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (865 kun oo euro todobaadkii)
5- Kylian Mbappe – 70 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (hal milyan 346 kun oo euro todobaadkii)
4- Neymar Jr – 100 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (hal milyan 923 kun oo euro todobaadkii)
3- N’Golo Kante – 100 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (hal milyan 923 kun oo euro todobaadkii)
2- Karim Benzema – 200 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (saddex milyan 846 kun oo euro todobaadkii)
1- Cristiano Ronaldo – 200 milyan oo euro xilli ciyaareedkii (saddex milyan 846 kun oo euro todobaadkii).
Astaan Sports