WARARKA MAANTA

Man United oo iska fasaxday Mason Greenwood.

Manchester United ayaa soo gabagabeysay baaritaankii ay ku waday eedeymaha loo soo jeediyay Mason Greenwood.

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu yiri baaritaankeennu wuxuu bilaabmay Febraayo 2023, kaddib eedeymaha loo soo jeediyay Mason Greenwood.

Waxaan xisaabta ku darnay rabitaanka, xuquuqda iyo aragtida eedaysanaha oo ay weheliso heerarka iyo qiyamka naadiga, waxaan raadinay inaan ururino macluumaadka iyo macnaha guud ee suurtogalka ah.

Dadka ku lugta leh kiiskan uu kamid yahay Mason Greenwood, waxay ogsoon yihiin inay adag tahay inuu dib u bilaabo waayihiisa ciyaareed ee Manchester United.

Iyadoo lagu salaynayo caddaymaha aan hayno, waxaanu ku soo gabagabeynay in waxyaabaha la soo dhigay online-ka aysan bixinin sawir buuxa iyo in Mason uusan galin dambiyada markii hore lagu soo oogay.

Baaritaankeenu wuxuu cadeeyay in Mason uu  sameeyay khaladaad taasi oo uu qaadayo masuuliyadeeda.

Waxaan cadeeneynaa in Mason Greenwood. uusan kooxda ku soo laabaneyn laakiin aan kala shaqeen doono si uu gaaro meel ka baxsan Old Troford.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button