WARARKA MAANTA
SAWIRRO: Isku aadka tartanka Idman Cup oo la sameeyay.

Waxaa xurunta Astaan Tv lagu sameeyay isku aadka tartanka kubbadda cagta Idman Cup 2023.
Waa markii ugu horreysay oo Muqdisho lagu qaban doonaa tartan kubbadda cagta oo ka qayb-galayaan sideed Degmo oo kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdiso.
Ciyaartoyda tartankan ka qayb-galayo waa 15-sano jir, tartankan waxaa soo qaban-qaabiyay sidoo maalgelinayo Idman Bank Cummunity oo xarumo kala duwan kuleh guud dalka.
Degmooyinka ka qayb-galayo waa sideed degmo waxay Yaaqshiid, Waaberi, Deyniile, Warta-Nabadda, Wadajir, Dharkenley, Kaxda, iyo Hodan.
Tartanka ayaa ah Bug-bax waxaana lagu wadaa in uu dhawaan ka furmo caasimada dalka ee Muqdisho.





