Premier LeagueWARARKA MAANTA

Mason Greenwood oo iska beddelaya dhalashada Ingiriiska, dalkee ayuu u dheeli doonaa?

Mason Greenwood ayaa la soo warinayaa inuu iska beddeli doono dhalashada Ingiriiska kaddib markii ay fasaxday kooxda Manchester United, waxaana la sii ogaaday xulka uu u ciyaari doono.

Da’yarkan ayaa beddelaya dhalashiisa, waxaana warbaahintu ay warinayaa inuu bisha dambe garoomada ka soo muuqan doono isagoo u ciyaaraya xul qaran oo aan ahayn England oo uu dhowr kulan u dheelay ka hor inta aan xarigga loo geysan.

Mason Greenwood iyo Manchester United ayaa Isniintii la soo dhaafay waxa ay shaaciyeen inay soo gabagabeeyeen wakhtigoodii wadajirka ahaa ee garoonka Old Trafford oo uu ciyaaryahanku kooxda ka tagayo.

18 bilood ka hor ayaa Greenwood ugu dambeysay inuu u u ciyaaro Manchester United, wakhtigaas oo ahaa xilligii loo qabtay inuu tacaddiyo kala duwan u geystay gabar ay xiriir wadaag ahaayeen.

Bishii Febrayao ayay Maxkamaddu laashay Dacwadda loo haystay Mason Greenwood, hase yeeshee kooxda Manchester United ayay ilaa iyo haatan ku qaadatay inay go’aan ka gaarto arrinta xiddigan.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa warinaya in Mason Greenwood uu doonayo inuusan mar dambe u ciyaarin xulka qaranka saddexda Libaax ee England, isla markaana ciyaaraha bisha dambe uu u dheeli doono Waddanka uu asal ahaanta ka soo jeedo ee Jamaica.

Mason Greenwood ayaa horay ugu ciyaaray xulka qaranka England tartankii UEFA Nations League ee 2020, balse shuruucda FIFA waxa ay u ogolaanaysaa inuu u dheelo waddanka uu asal ahaanta ka soo jeedo, maadaama aysan ka buuxsamin shuruuddii ahayd inuu saddex kulan oo tartan rasmi ah u ciyaaray xulka qaranka England.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button