Premier LeagueWARARKA MAANTA

Yaa sii wadi doona shaqada tababarka kooxda Man City inta uu ka soo laabanayo Pep Guardiola..?

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu sameeyay qaliin deg-deg ah kaasoo ahaa mid looga sameeyay dhabarka maadaama uu xanuun, daran ka dareemayay muddooyinkii ugu dambeeyay sida ay kooxdu xaqiijisay.

52-sano jirkaan ayaa qalliinkan ku maray magaalada Barcelona, waxayna kooxdu xaqiijisay inuu seegi doono kulamada Premier League ee ay la ciyaari doonaan kooxaha Sheffield United iyo kulanka ay booqaneyso Man City guriga Fulham ka hor inta uusan soo laaban fasaxa caalamiga ah bartamaha bisha Sebtember.

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda Man City ayaa lagu sheegay in Pep Guardiola lagu sameeyay qaliin Dhanka dhabarka ah, tababaraha Manchester City ayaa muddooyinkan dambe la ildarnaa xanuun daran oo dhabarka ah, waxaana uu u duulay Barcelona si uu qaliin deg-deg ah ugu sameyso Dr Mireia Illueca.

Qalliinka ayaa ahaa mid lagu guuleystay, Pep ayaana hadda ka soo kabsan doona qaliinka uu ku galay magaalada Barcelona.

Inta uu maqanyahay Pep Guardiola waxaa howsha kooxda sii wadi doono ku xigeenkiisa Juanma Lillo kaasoo kormeeri doona tababarka kooxda koowaad ee Man City, waxaana uu la wareegi doonaa shaqada illaa inta uu ka soo laabanayo Pep, waxaa la filayaa inuu soo laabto kaddib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Qof walba oo Manchester City ah waxa uu u rajeynayaa Pep soo kabasho degdeg ah, waxaana rajeynaynaa inaan ku aragno magaalada  Manchester dhawaan ayaaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay kooxda Man City.

Caawiyaha macalin Lillo ayaa ku soo laabtay Man City xagaagan isagoo hal  xilli ciyaareed tababare u ahaa kooxda Qatar ee Al Sadd, Juanma Lillo ayaa ku sugnaa City intii u dhaxeysay 2020 iyo 2022.

Man City ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedkan cusub ee Premier League guul ay ka gaareen kooxaha Burnley iyo Newcastle, waxayna rajo wayn ka qabaan inay difaadaan horyaalka, taasoo qeyb ka ah guulahooda taariikhiga ah ee xilli ciyaareedkii hore, markaasoo ay ku guuleysteen horyaalka markii shanaad lixdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button