Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
WARARKA MAANTA

Kooxda Gaadiidka oo galabta ciyaari doonto kulan ka tirsan CAF Champions League.

Kooxda Gaadiidka ayaa galabta la ciyaari doonto naadiga APR FC kulan ka tirsan lugta labaad isreeb-reebka tartanka CAF Champions League.

Kulankii hore oo la ciyaaray 19-kii bishan Agoosto ayaa ku soo dhammaaday 1-1 oo labada kooxood ay isku mari waayeen.

Weeraryahanka kooxda Gaadiidka N. Kagaba ayaa hoggaanka ciyaarta u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 33-aad, hase yeeshee  kooxda APR FC ayaa la timed goolka barbaraha qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyay daqiiqadii 48-aad V. Mbaoma.

Kulanka labaad ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoonka kubbadda cagta Kigali Pelé Stadium (Kigali) ee dalka Ruwanda, kooxdii adkaato ayaa u gudbi doonto wareegga guruubyada tartanka CAF Champions League.

Kulanka galabta ayaa la baasan doona 04:00 galabnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button