Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
WARARKA MAANTA

Kooxda Gaadiidka oo ka hartay tartanka CAF Champions League.

Kooxda kubbadda cagta Gaadiidka ayaa guuldarro kala kulantay kooxda ka dhisan Ruwanda APR FC lugta labaad isreeb-reebka CAF Champions League.

Kulankan oo ahaa mid go’aamiyay kooxdii u gudbi lahayd wareegga guruubyada CAF Champions League ayaa labada kooxood ku dhexmaray garoonka kubbadda cagta Pelé Stadium (Kigali) ee dalka Ruwanda, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa ku soo dhammaatay 0-0.

Qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda APR FC ayaa dhalisay labo gool waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay APR FC, oo u gudubtay wareegga guruubyada tartanka CAF Champions League.

Tartankan CAF Champions League waxaa ka qaybgalo kooxaha Afrika ka dhisan eek u soo guuleysto horyaalka dalkooda waxaa Soomaaliya ku mataleysay kooxda Gaadiidka oo ku guuleysatay Horyaalka Somali Premier league xili ciyaareedkii 2022/23.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button