Kooxda Gaadiidka oo ka hartay tartanka CAF Champions League.

Kooxda kubbadda cagta Gaadiidka ayaa guuldarro kala kulantay kooxda ka dhisan Ruwanda APR FC lugta labaad isreeb-reebka CAF Champions League.
Kulankan oo ahaa mid go’aamiyay kooxdii u gudbi lahayd wareegga guruubyada CAF Champions League ayaa labada kooxood ku dhexmaray garoonka kubbadda cagta Pelé Stadium (Kigali) ee dalka Ruwanda, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa ku soo dhammaatay 0-0.
Qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda APR FC ayaa dhalisay labo gool waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay APR FC, oo u gudubtay wareegga guruubyada tartanka CAF Champions League.
Tartankan CAF Champions League waxaa ka qaybgalo kooxaha Afrika ka dhisan eek u soo guuleysto horyaalka dalkooda waxaa Soomaaliya ku mataleysay kooxda Gaadiidka oo ku guuleysatay Horyaalka Somali Premier league xili ciyaareedkii 2022/23.
