WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya oo bilaabay tababarka ay isugu diyaarinayaan Chan Cup

Xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya ayaa garoonka Eng. Yariisow (Ex Koonis) ka bilaabay tababarkooda maalinlaha ah oo ay ugu diyaar-garoobayaan ciyaaraha Chan cup ee Afrika.

Soomaaliya ayaa sanadkan rajaynaysa inay guul ka soo hoyso ciyaaraha Chan Cup oo ay dheeli karaan kaliya ciyaartoyda ka ciyaara horyaallada gudaha ee dalalkooda.

Inkastoo xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika uusan weli soo saarin isku aadka tartankan ayaa hadda waxaa la filayaa in todobaadyada soo aaddan la shaacin doono isku aadka Chan Cup.

Markaas ayuu dal waliba ogaan doonaa halka uu ku aaday, iyadoo xulkeenna Soomaaliya la ogaan doono xulalka kale ee uu la ciyaari doono.

Maxaad u rajeynaysaa xulkeenna qaranka Soomaaliya?

SAWIRRO:

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button